Buuhoodle(Xogsoormedia.com) Waxaa Gobolka Buuhoodle iyo deegaanada hoos yimaada ka da,ay roobab mahiigana ah oo badi dadka intooda badani ay ku diirsadeen.
Iyada oo gobolkan iyo deegaanada hoos yimaadaaba ay ka jirtay abaar dad iyo mid duunyo.
Waxaana gobolka ka da,ay roobab ay ku diirsadeen dadkii iyo duunyadii meesha ku noolayd wax weyna ka badalay jawiga dhulku sidii uu ahaa mudooyinkii la soo dhaafay.
Roobabkan oo biya dhigay badi dhulka intiisa badan ayaa da,aayay mudo dhawr sacadooda,iyada oo goobkasta oo aad marto ama ay indhahaagu qabtaan aad arkayso biya jiifa.
Roobkani ka da,ay dhulka daaqsinka ah ee Buuhoodle ayaa waxa uu imanaya xili badi dadkii xoola dhaqatada ahaa ay iskaga hayaameen deegaanka ugana hayaameen abaarta ku dhufatay dhulkii ay xoolahoodu waxka cunayeen.