Berbera(Xogsoormedia.com):-Xukuumadda Somaliland ayaa Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berberra ku wareejisay Midawga Shirkadaha shidaalka soo dejiya oo ay leeyihiin ganacsato reer Somaliland ah oo maalgalin dhaqaale iyo casriyayn ku samaynaysa Haamaha Shidaalka ee Berbera.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Bashiir Cabdi Xariir ayaa shalay si rasmi ah ugu wareejiyay Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera midawga shirkadaha Shidaalka soo dejiya oo maal galin balaadhan ku samaynaya.
Wareejinka Haamaha Shidaalka ee Berbera ayaa ka dambaysay ka dib markii Haamaha Kydka Shidaalku u baahdeen dayac tir iyo Maal galain in lag sameeyo,taasoo ay balan qaadeen in ay maal galin kasta oo dhaqaale oo ay Haamaha Kaydka Shidaalka Berbra u baahdaan in ay u hurayaan midawga Shirladaha Shidaalku.
Munaasibad lagu qabtay shalay Xarunta Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera oo si rasmi ah Haamah loogu wareejinayay Midawga shirkadaha shidaalka ka ganacsada ayaa waxaa ku wareejiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Barshiir Cabdi Xariir oo caddeeyay in Haamaha Kaydka Shidaalka ee Qaranku ay yihiin
Waxaa kale oo uu intaa ku daray Wasiir Bashiir in shirkadaha muwaadiniinta ah ee Haamaha lagu wareejiyay in ay maal galin ku samaynayaan isla markaana Haamaha ay horumarin kasta oo ay u baahan yihiin ay fulinayaan.
Iyadoo ay Haamaha kaydka Shidaalka ee Berbera isla shalayba loo magacaabay Maareeye cusub oo ah Maareeyaha imika laga bedelay Maareeyihii ka horreeyay oo aan ka mid ahayn shirkadaha laakiin ah Maamulka Haamaha uga wakiilka ah shirkadaha lagu wareejiyay isla markaana si dhex ah ugu wada adeegaya dhamaan shirkadaha shidaalka ka ganacsada ee dalka oo dhan.
Wasiir Bashiir ayaa dhankiisa caddeeyay in shirkadaha lagula xisaabtamayo halka ay Maanta Haamuhu marayaan iyo waxay ku soo kordhiyaan.
“Haamuhu berbera kama guurayaan waxaana leh qaranka oo waa hanta qaran cid gaar ah oo yeelaynaysaana ma jirto shirkadahana waxaa loogu wareejiyay in ay maal galin ku sameeyaan oo ay ganacsatada dalku ku dhiirad=to in ay dalka maal gashadaan waana tallaabo wanaagsan oo dhanka horumarka loo qaaday in muwaadiniintu dalka maal gashadaan. Marka muwaadinku dalkiisa maalkiisa ku aamino ee uu maal gashado ayay ajaanibkuna danaynayaan maal gashida dalkeena.”ayuu yidhi Wasiir Bashiir Cabdi Xariir
Tallaabada Ay xukuumaddu ku wareejisay Haamaha Kaydka Shdiaalka ee Berbera,ayaa noqonaysa mid ay Xukuumaddu u qaaday dhanka maalgashiga dalka iyo in ay kalsooni siiso cid kasta oo dalka hantidooda galinaysa kuna aaminaysa oo maalgalin ku samaynaysa.
Tallaabadan ayaa waxaa kale oo ay dhiiri galinaysaa in magacsatada Muwaadiniinta ahi ay ku dhiiradaan in ay qaybtooda kaga aadan maal gashiga dalka in ay buuxiyaan oo lacagtooda ku maal gashadaan dalka.
Waana tijaabo wax badan ka bedelaysa hannaanka ganacsi ee tijaara Somaliland ya maanta u ganacsadaan isla markaana furaysa dariiq cusub oo lagu tartamo wax soo saarka dalka iyo maalgalintiisa.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland