Hargeysa(Xogsoormedia.com) Xaruntii dhexe ee dhaqalaha guriga ee magaalada Hargeysa ee Xaajiya Haweeya ama Hargeysa Womens CLab ayaa waxa lagu wareejiyay Ganacsadaha ina Aw Siciid
Iyada oo dugsigani mudo imika saddex cisho ah ay albaabadu u xidhan yihiin laguna wareejiyay askar farabadan.
Isaga oo si muuqata ka dhigaya geerash lagu xareeyo baabuurta uu isagu leeyahay,haday noqdaan kuwa uu la soo degayo iyo haday noqdaan kuwa Kanabanigiisa uga shaqeeyaba.
Xaruntan waxbarasho Hargeysa Womens Clab oo la aasaasay sanadii 1951 sababta loo dhisay ay aheyd sidii dadka aan fursada u helin inay waxbartaan wax loogu barilaaha.
Ahna Goob ku caanbaxday waxbarashad dadban oo magaca ay ku caana maashay ee badi dadweynaha magaalada Hargeysi ay u yaqaaneen ay tahay Xarunta Dhexe Ee Dhaqaalaha Guriga Ee Xaajiya Haweeya.
Oo badina ay ka aflaxeen waxna ay ka dhigan jireen dumarka guri joogta ah ee Magaalada Hargeysi, laguna bari jiray xirfado kala gadisan oo wax ka tara mustaqbalka noloshooda danbe Sida Teebka, Cunta Karinta, Dawaarka iyo waliba xisaabta iyo Soomaaliga, marka ay soo dhameystaana ku shaqaysan jiray.
Sanad walbana waxa ka aflixi jiray inka badan kun haweena oo iyaga oo ka baxay jahlihi sitana cilmi ay ku meel mari karaan suuqa gali jiray sidaasna ugu shaqa tagi jiray qoysaskii ay ka yimaaden.
Xaruntan ama Goobtan waxbarasho ee imika laga dhigay geerashka ayaa waxa ka hawl gali jiray macalimiin gaadhaysa ilaa 20 macalin oo galinka hore iyo ka danbaba heegan ugu jiray sidii ay ardaydaa wiil iyo gabadhba leh ee aan wakhtigu u saamixin inay waxbartaan wax bari jiray.
Waxanay macalimiintani ka soo saari jireen nolol maalmeedka reerahooda.
Waxaana loo dalbaday askar macalimiintan iyo nimankii iskuulkan ilaalinaayay ee ka ahaa waashmaanadaba sida ay sheegeen iyaga oo aan waxba laga waydiin.
Wixii wara ee danbe ee ka soo cusboonaadana waxaanu idiinku soo gudbin doona wararkayaga danbe.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland