Aadan Dhoolayare Oo Saadaaliyay In UCID iyo KULMIYE Heshiis Isu Tanaasul Ah Wada Gali Doonaan Xilliga Doorashada Madaxtooyada

0
308

Hargaysa(Xogsoormedia.com):-Wasiirkii Hore ee Wasaarada Cadaalada Somaliland Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare), ayaa ka hadlay tartanka musharixiinta ku loolamaya Xisbiga KULMIYE dhexdiisa oo laba garab u kala jabay iyo Saameynta uu dalka iyo dadkaba ku yeelan karo, isla markaana waxa uu ifafaale ka bixiyay Sawirka guud ee Xisbiyada Somaliland UCID, WADDANI iyo KULMIYE u eekaan doonaan.

Waxaa kale oo uu saadaal ka bixiyay isu tanaasul in uu dhex mari karo Xisbiyada KULMIYE iyo UCID xilliga tartanka doorashada Madaxtooyada Marka la gaadho.

dhoolayare

“Salaan dabadeed,waxaan jeclahay inaan maqaalkan kaga faaloodo sawirka guud ee uu u ekaan doonaan xisbiyada Somaliland iyo musharixiintoodu markay isu soo dhamaadaan ee lagu kala calaf qaado loolamada maanta ka dhex socda musharaxnimada xisbiyada qaarkood ee ka jira Somaliland.

Waxaynu la socona inuu wali laalan yahay musharax ku soo bixi doona xisbiga Kulmiye,cidkastaaba ha ka soo baxdee waxaynu wada qirayna inuu ka soo bixi doono musharax ka soo jeeda beelaha Galbeedka Hargeysa,taas waxaynu kala soo dhex bixi kara ragga ugu cad cad tartanka musharaxnimo..

Xisbiga Kulmiye maanta waa xisbi xaakin inkasto awoodda la kala riixanayo, si kastaba ha noqotee ma filayo inuu burburayo waayo waa xisbul-xaakin, oo aakhirka cid uun baa u hadhi.

Hadaba markay sidaasi dhacdo ee dhawaan la kala calaf qaado ama imika ha noqoto ama bilaha dambe ha noqotee waa la kala bixi doona, haddii uu ILAAHAY inagu simo.Waxaan hadaba ka hadlaya sideebay noqon doonta marka saddex musharax oo ka tirsan beelaha dhexe soo baxaan.

Xisbiga KULMIYE marka uu ka soo baxo nin Galbeedka Hargeysa ah Xisbiga UCID-na uu yahay nin Saaxil ka soo jeeda islamarkaana ay kuwada abtirsadaan beel .

Aynu u soo degno u-jeedada sida ay wax noqon doonaan aniga aragtidaydu waxay tahay sidan, labada musharax ee beesha guud ah KULMIYE iyo UCID sidee buu xaalku noqon doonaa marka ay laba musharax noqdaan, waxaan qabaa sida caadiga ah tartanka xisbiyadeenu waxay ku salaysan yihiin qabyaalad ee maaha sida ay u tartamaan reer Galbeedku wey iska beelaysan tahay oo qabiil kama foga arinteenu.

Sidaasi darteed,waxay u dhici doonta in culays badan la saari doono musharaxa ka soo jeeda Saaxil oo ay saari doonaan beesha xisbiga KULMIYE musharaxa u ah iyaga oo u fadhiisan doona hab qabiil oo ah sidii la arki jiray taas oo ay noqon doonto hab ku dhisan dhaqankeena oo ah abaal la isu dhigto ama la isu sheegto marka wax la kala doonayo.

Waxa hubaal ah inaanay dhacayn inay tartamaan labada musharax ee isku beesha ka soo jeeda Kulmiye iyo Ucid oo la wada hadli doono marka ama musharax Ucid ha tanaasilo ama ha diide,waxaa biyo kama dhibcaan ah in aad loo hadli doono oo waliba beesha musharaxa kulmiye doonayaan in loo tanaasilo oo musharaxa Ucid lagu cadaadiyo inu ka tanaasilo musharaxnimada isla marka waxay u egtahay in beeshisii ku qanci doonto codsiga iyada oo loo tirinayo taageeradi badnayd ee ay siin jireen madaxweyne Cigaal ila ay dhacday xata doorashadii Boorame ee uu ku jiray Cumar-Carte inay si cad codkoodi u siiyeen Madaxweyne Cigaal beesha Galbeedka Hargeysa,islamarkaana aynu ognahay inay taageeri jireen ila lixdankii.Taasina tahay amah ku maqan reer xeebeedka.Musharaxa Ucid waa nin dhalinyaro ah oo aqoon yahan una qalma inuu musharax iyo madaxweyaba ka noqda dalka laakiin dhaqanka qabyaalada xun ee aynu u dabran nahay ayaa caynakaas u eg.

Sidaasi darteed saaxibkay JAMAAL marnaba kalama masuugayo inuu noqdo musharax, laakin macal asaf waa dhaqanka qabyaalada ina burburisay laakin calafku waa halkiisa.Sidaasi darteed waxaynu garan kara inaanu dan u ahayn musharax UCID inuu noqdo musharax Kulmiye nin ka soo jeeda Beesha Galbeedka Hargeysa .

Waxaana danta UCID ku jirta inuu noqdo musharaxa kulmiye madaxweyne Siilaanyo ama mid ka tirsan beesha madaxweynaha, Sababtana isu sheegi maynu waayo waxay tahay laba arrimood oo kala ah kow marka hore waxa sharaxan nin ka tirsan beelweynta xulufada la ahayd Siilaanyo oo Jamaal Cali Xuseen ah,taageero balaadhan siin jirtay Kulmiye. mar labaadka waxa qarxaysa cadho ka kacday inuu madaxweynuhu ka baxay balannti beeshaas ay aaminsanayeen inuu musharax ka mid ahi ku tartami doona xisbiga kulmiye sidaana ay dad badani u diga rogan doonaan xisbiga UCID.

Hadaba arin kale oo ah inay sadexda musharax ee xisbiyadu yihii niman beelaha dhex ka soo wada jeeda, waxay ku qurux badnayd in xisbi ka mid ah uu musharax ka noqdaan beelaha kale. Waliba aragtidayda ay ku haboon tahay in xisbiga UCID uu ka noqdo Musharax reer Awdal ahi. Sidaana aan filayo haddii sidaan sheegay cadaadis labada beelood isa saaraan ay tahay sida keliya ee uu ku badbaadi karo xisbiga UCID kuna tartami karo waliba ay kasban doonaan taageerayaal badan.

Si kastaba ha noqotee, waxaan ka cudur daaranaya haddii ay jirto cid dhibsata qoraalkan inay tahay aragti ka madax-banaan cid kale isla markaana u jeedin cidna ay tahay sidaan qabo inay noqon doonto doorashada iyo tartanka madaxtinimo ee dalku.

Waxa laga yaaba inay dad baddani qabaan inuu dhici doono qarax saamayn ku yeelan karo waddanka tartamayaasha xisbiga kulmiye,waxaan aaminsanahay inaanay wax colaad ah ka dhacayn waayo dadku way og yihiin dagaal iyo dhibaatada uu leeyahay waana shacab ka bislaaday hiil iyo qaraabo kiil colaadeed.Waxaan aynu u soo joognay in Silaanyo lagu qanciyay in 80 cod lagaga helay tartanki hore. haddii ay ciddi ku guuldareysato tartanka dhaca ma jirayso colaad iyo dagaal laga baqo ee waxay ku koobnaan doonta cidda laga guulaysto.”

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@hotmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here