WAR DEG DEG AH
Berbera(Xogsoormedia.com)War deg dega oo imika naga soo gaadhay xarunta Haamaha Shidaalka ee Barbara ayaa sheegaya in ay imika si toosa u bilaabnantay xafladii lagu wareejinaayay Haamaha Shidaalku.
Waxaana hada ku sugan xarunta Haamaha Shidaalka gudaheeda, Wasiirkii Wasaarada Ganacsiga Dr Muuse Qaasim iyo wasiir Ku xigeenadii wasaaradaha xanaanada xoolaha Cali Maxamed Cilmi(Cali Gadheer) iyo wasiir kuxigeenkii wasaarada ganacsiga Bashiir Cabdi xariir iyo sidoo kale masuuliyiinta shirkadaha Haamaha Shiidaalka lagu wareejinayo.
Waxana sidoo kale goob joog ka ah xadladan lagu wareejinaayo Keydka Haamaha Shidaalka ee Magaalada Barbara,masuuliyiinta Heer gobol Heer degmo iyo maamulka sare ee dekeda Berbera.
Xafladan lagu wareejinayo Keydka Haamaha Shidaalka ee Magaalada Barbara ayaa ah mid abnigeeda aad loo adkeeyay oo askar badan lagaga wareejiyay dhan walba.
Mana jirto wax cida oo gali karta xaruntan xafladu ka qabsoomayso,xafladanina waa mid qarsoodiya oo badi dadka intooda badani aanay ogayn.
Golahan wasiirada ee wareejinta Haamahan Shidaalka loo soo xilsaarayna waxa ay magaalada soo galeen xalay habeen badhkii.
Waxaana aad dareenkoodu aad u kacsan yahay dadweynaha magaalada Barbara oo iyagu si weyn isha ugu haya wareejinta Kaydka Haamaha Shidaalka ee Barbara.
Wixii wara ee ka soo kordhana waxaa aad kala socon doontaan wararkayaga danbe
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland