London(Xogsoormedia.com) Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa ka hadlay qiimaha nabadgaliyada iyo horumarku leeyahay ayaa yidhi aniga maanta sharaf ayay ii tahay inaan maanta reer Awdal ugu baaqo nabada iyo horumarka.
muhiimadda ay leedahay Nabadda iyo horumarka ay somaliland ku tallaabsatay , waxana uu farriin gaar ah diray shacabka Reer Borama oo uu kula dardaarmay inay ilaalinta Nabadda xil weyn iska saaraan.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) isaga oo arimahaas ka hadlaayana waxa uu yidhi “Waxaa sharaf ii ah inaan maanta reer Awdal aanku waaniyo nabadgaliyada Ilaashada horumarka gobolka Awdala waxa astaan u ah qalin laakiin qorimahaa,,qoriga iska dhig oo kaalay dalkaaga iyo dadkaagaba wax la qabso aniga ayaa maanta leh waarkaalaya oo dadkiina iyo dalkiina wax la qabsada”
Dr Saleebaan Axmed Ciise (Xaglatoosiye) ayaa sidoo kale farriin kale u diray Siyaasi Cali Khaliif Galaydh, waxana uu ugu baaqay inuu kusoo dhiirrado ka qayb qaadashada nabadda ka aloosan Somaliland.
Waxaanu yidhi Dr Saleebaan isago arrimahaaska hadlaya “”Midnimada iyo nabadda Somaliland waa muqaddas, madaxweynuhuna waxa uu ku baaqay Nabad gogolna waa dhigay, waana madaxweyne wax garad ah oo jecel inuu dadka iskku wado, waanad igaranaysaan oo xago-toosiyaan ahayoo waxan ku imi Gogoshii uu madaxweynuhu dhigay.”
Saleebaan Axmed Ciise (Xaglatoosiye ) Isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu intaas ku daray oo u yidhi , “waxana uu ugu baaqay inuu nabadda ka qayb qaato, Cali Khaliif Waa Madaxweynaha Somaliland Saaxiibkii, waana nin weyn oo oday ahe ha yimaaddo oo dadkiisa wax ha u qabto Gogosha nabaddana waanu dhignay, laakiin waa ilaalinaynaa cidna ka oggolaan mayno inay nabadda”
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland