Hargeysa(Xogsoormedia.com) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta shaaca ka qaaday inu yahay musharaxa madaxweyne ku xigeenimo ee xisbiga Kulmiye.
Waxaanu sidaas ku sheegay kulan qaado sharaf ah oo uu maanta ku lahaa Huteel Kaah ee Magaalada Hargeysa.
Waxaanu sheegay Madaxweyne ku xigeenku in ay madaxweynaha ka wada hadleen in xisbigu xisbi Dimuquraadiya yahay, loona tartamayo saxadiisuna ay furan tahay hareerahana aan laga joogsanayn dhab ahaanti,mihiimad shirkani maantuna waxa uu ahaa in sharciyada xisbiga lagu socdo oo la ilaaliyo oo talaabo kasta oo sharcigu banaynaayo la qaado.
inkasta oo aanu Madaxweyne ku xigeenku shaacin musharixiinta madaxweynenimo ee xisbiga Kulmiye ka uu ku xigeenka u yahay.