Hargeysa(Xogsoormedia.com)Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul Oo maanta shirjaraa,id qabtay faahfaahin ka bixiyay kulankii saaka ee dhexmaray ,Madaxweyne ku xigaanka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo golaha wasiiradu.
Waxaanu tilmaamay in kulankan ujeedada laysugu yimid ay aheyd,Kalfadhigan maanta ee golaha wasiiraada waxa lagaga hadlay u gogol xaadhista shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo dhawaan la qaban doono in hareeraha ay iska taagan xukuumad iyo shacaba sidii shirkani u noqon lahaa mid midha dhala.