Hargeysa(Xogsoormedia.com) waxaa maanta magaalada Hargeysa lagu qabtay 31 guuradi ka soo wareegtay xuskii Mujaahidiinta SNM.
Xaflad oo aheyd mid si heersara ah loo soo agaasimay oo lagu xusaayay 31 guradii ka soo wareegtay xuskii mujaahidiinta SNM,ayaa waxa ay ka qabsoontay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta saddexda xisbi qaran, qaarka mida mujaahidiinta SNM iyo ardayda Iskuulka Quule Aadan Dool,marti sharaf iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.
Waxaana ugu horeyn madashaas ka hadlay Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale waxaanu yidhi waxaanu xusan inaanay Mujaahidiintani u baahnayn xus ee ay u baahan yihiin waxqabad waxaanu yidhi isaga oo arrimahaaska hadlaya “maalintan la xusimaayo hadaynaan inagu isqiimayn oo aynaan qiimo laheyn markaa dee saaxiibadeeni shahiiday ka sugi mayno inay ilka inagala soo hadlaan,qiimayntuna waxa ay ku jirtaa sida aynu inagu u wada jiro iyo sida aynu u wada noolahay.”
Mujaahid Boobe Yuusuf isaga oo hadalkisa siiwata waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi “Dadkii shahiidayna uma baahna Xus laakiin waxa ay u baahan yihiin waxqabad dadkii shihiiday waxa ay baahan yihiin wixii ay u dhinteen ee ahayd xoraynta wadankooda ee ahaa horumarrka wadankooda ee ahaa Dimuquraadiyada iyo cadaalada ishtimaaciga ahi inay sii socoto”
Boobe waxa kale oo uu intaasku kaabay oo u yhidhi “Karaamad dadkuna waxa ay ku jirtay geesinimada iyo raabitaanka shacabku doonayo inay waxqabsadaan.Waxaanan leeyahay waynu soo halganay oo halkan ayaynu soo gaadhnay oo tacabkeeni muukhasaarin ee waxa la doonaya inaynu hore u socono”.
Wasiirka wasaarad maaliyad Marwo SamSam Cabdi Aadan oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in ay hanbalyo u dirayso mujaahidiinta SNM meelkasta oo ay joogaan.
Waxa kale oo ay sheegtay in wixii loo dagaalamaayay aanay ahayn in madax la noqdo in wasiiro la noqdo laakiin ay aheyd wixii loo dagaalamayay sidii wadanka culayskii saara looga qaadi lahaa , waxaana loo baahan yahay in wax loo qabto oo xil layska saaro sidii wax loogu qaban laha,waxaana sanadkan bajadka ugu jira in xasuuqi meel loo dhiso.
Mujaahid Cabdisalaan Turki oo Isaguna madasha ka hadlay ayaa sheegay in saddexdii sanadood ee ugu danbeeyay laga saaray rasaas 860 Mujaahid, sidoo kalana waxa caafimaaday 100 Mujaahid oo dhimirka wax ka qaba.
Sido kale waxa u tilmaamay in maalin dhaw ay keenayaan dhakhaatiir kala saari doonta mujaahidiinta xooga u xanuusanaya iyo kuwa xanuunkoodu sahlan yahay kuwaaso oo ka badan 80.
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland