Ankara(Xogsoormedia.com):- Wada hadal ujeedadiisu ay tahay in xal kama dambays ah lagaga gaadho muranka dhanka hawada ee u dhexeeya Somailand iyo Soomaaliya,ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Wada hadalka labada wasaaradood ee Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan dhanka duulimaadyada ee ka furmay dalka Turkiga oo ay u kala metelayaan labada dal Wasiiroada duulista iyo masuuliyiin kale,ayaa waxaa goob joog ka ah madax ka socota Hay’adda duulimaadyada Qaramada Midoobay u qaabilsan ee ICAO iyo Xubno ka tirsan madaxda Dawladda Turkiga.
Warsaxaafadeed ay ka soo saartay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulistu,ayaa u dhignaa sidan.
Warsaxaafadeed
“ Waxa maanta Magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga ka furmay shir rasmi ah oo ay isugu yimaadeen Wufuud ka kala socotay, dawladdaha Somaliland, Soomaaliya, Turkiga iyo xubno ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka Hawada ee ICAO, Shirkaasi oo ku saabsaanaa sidii xal waara looga gaadhi lahaa muranka ka taagan maamulka hawada Soomaaliya iyo Somaliland.
Shirkaasi oo saaka Subaxnimadii ka furmay Ankara ayey dhincaydu ku falanqeeyeen sidii loo fulin lahaa heshiisyadii hore looga gaadhay arrintaasi, iyo sidii labada dhinac u wada maamuli lahaayeen hawada.
Shirka ayaa maanta ku soo dhamaaday falanqayn iyo doodo adag oo dhinacyadu ay is waydaarsadeen, iyada oo Bari-na uu sii socon doono. Wixii najiito ah ee ka soo baxana waxaanu u soo bandhigi doonaa shacabiga reer Somaliland iyo Saxaafadda Madaxbanaan.”
Xubnaha Dawladda Somaliland.
1.Maxamuud Xaashi Cabdi, :Wasiirka Duulista iyo Hawada
2.Saciid Cabdi Maxamed : Wasiir ku xigeenka Duulista iyo Hawada
3.Saciid Mahdi Ileeye, : Agaasimaha Waaxda Duulista
- Axmed Cumar Caga-dable, : La Taliye
Xubnaha Dawladda Soomaaliya
1.Cali Axmed Jaamac (Gangali) Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka
2.Cabdiwaaxid Cumar : Agaasimaha Duulista
3.Maxamed Khaliif : La Taliye
4.Axmed Cabdiraxmaan :Sarkaal Hay’adda Duulista
Xubnaha Hawada ICAO
1.Ivan Galan : Agaasimaha xafiiska farsamada iyo iskuxidhka
2.Nancy Onyedim : Sarkaal ka tirsan Waaxda Hawl galinta
Dawladda Turkiga
- Olgan Baker : Safiirka Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya
- Kareem Yilmaz : Xoghaya koowaad ee Wasaaradaa Arrimaha dibada
- Hulusi Kilic : Agaasimaha bariga Afrika
- Ahmed Riza Demirer : Ergayga gaarka ah ee wadahalada Somaliland iyo Soomaaliya
- Seval Ince : Air Traffic Controller
ALLA MAHAD LEH.
Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawadda Somaliland
Hargeisa Somaliland