Muqdisho: Soomaaliya Oo Xidhay Shaqaale Ka Badbaaday Diyaarad Dhicitaankeeda Uu Sababay Amar Ay Bixisay

0
308

Muqdisho (Xogsoormedia.com) :-Dawladda Soomaaliya,ayaa xidhay shaqaale ka badbaaday diyaarad ku dhacday duleedka magaalada Afgooye oo dhicitaankeeda ay sabab u ahayd amar la sheegay in ay bixiyeen saraakiisha saadaasha hadawa iyo duulimaadyada ee Soomaaliya.

Diyaaradda ku dhacday duleedka Afgooye oo shixnad u sidday ciidanka nabad ilaalinta midawga afrika eek u sugan Soomaaliya ee AMISOM isla markaana ka soo duushay dalka Masar.ayaa xilli habeenimo ah ku soo beegan tahay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

soomaaliya oo

Dawladda Soomaaliya,ayaa xidhay shaqaalaha ka badbaaday diyaaradda Shixnadda u sidday ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen in ay jabiyeen sharciga duulimaadyada Soomaaliya.

Shaqaalihii diyaaraddii dhawaan ku dhacday duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose ayaa la sheegay in lagu xiray Muqdisho, kaddib markii lagu eedeeyay inay sameeyeen khaladaad dhanka duulimaadka ah oo ay ku yimaadeen Soomaaliya.

Diyaaraddan Soomaaliya ku dhacday ayaa duulamaadkeedii koobaad kaga soo safartay magaalada Ostend ee dalka Biljimka, ka dibna soo martay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar halkaas oo ay Soomaaliya uga soo duushay sida ay ku warameen warbaahinta dalka Masar.

.

Sidoo kale, wararka ayaa intaa ku daraya in diyaaraddu ay mar kale Qaahira kasoo duushay iyadoo ku socota caasimadda Somalia ee Muqdisho, balse ay kusoo beegantay xilli habeen ah oo uu xiran yahay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Taliska AMISOM ayaa la sheegay in ay shaqaalihii diyaarada ka qaadeen baasaboorradii isla markaana ay xabsiga u taxaabeen shaqaalaha diyaaradda ka badbaaday oo tiradoodu dhantahay 6 qof.

Shaqaalaha diyaaradan ee xabsiga la dhigay ayaa waxay ahaayeen lix xubnood, kuwaasoo magacyadoodu kala yihiin; Taariq Bayonmay, Mohamed Subxi, Ahmed Baradaj, Shaxata Shanoni, Alaa Raflax iyo Salah Abdi Sadaq.

Tallaabada ay dawladda Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM ku xidheen shaqaalaha diyaaradda laga lahaa dalka Masar ee ku dhacday Soomaaliya,ayaa la sheegay in ay xumaynayso xidhiidhka dalka Masar iyo dawladda Muqdisho .

Dawladda Masar ayaa dalka Soomaaliya ka taageerta dhinaca waxbarashada iyo Caafimaadka.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here