Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Labadii maalmood ee u dambeeyay waxaa magaalada Hargeysa ka socday kulamo iyo shirar ay dhinacyada ku loolamaya musharaxnimada Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE ku qabsanayeen magaalada Hargeysa.
Kulamadii ugu dambeeyayna waxay dhex mareen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) iyo sadexda Mushaxa Jagada Madaxweynaha u tartamaya eek ala ah Maxamed Biixi Yoonis,Cabdicasiis Samaale iyo Axmed Kijaandhe oo ay weheliyaan labada guddoomiye kuxigeen ee labaad iyo sadexaad ee KULMIYE Xildhibaan Waabeeye iyo Xildhibaan Tanyanle.
Shantan masuul oo ka cabanayay Guddoomiyaha Xisbiga iyo Ku-xigeenka koobaad ayaa la sheegay in ay cabashadooda u gudbiyeen Madaxweyne ku-xigeenka.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) oo ka hadlay kulamadii ugu dameeyay ee ay yeesheen iyo ka ay Madaxweyne kuxigeenka isku arkeen ayaa ka digay in si qaldan oo dhinac ah in loo maamulo bixinta kadhadhka ergada golaha dhexe ee Shirka KULMIYE oo uu sheegay in ay wax is daba marini jirto.
Xildhibaan Waabeeye oo ka mid ahaa Soddomeeyo Xubnood oo ka qayb-galay Shir Albaabadu u xidhnaayeen oo ay Caawa Huteel Maansoor ku yeesheen aqlabiyadda guddiga fulinta iyo saddexda Musharrax ee kala ah Cabdicasiis Maxamed Samaale, Maxamed Biixi Yoonis iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) ayaa Saxaafadda u sheegay inay shirkaas ku go’aansadeen inay Sabtida berri qabtaan shir ay kaga hadlayaan xaaladda KULMIYE ee wakhtigan, Shirka Golaha dhexe iyo hadal uu Xoghayaha guud ee xisbigu Shalay ku sheegay in xubnaha Golaha dhexe kaadhadhka loo qaybinayo Sabtida.
Xildhibaan oo arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi “Waad aragtaan culayska shirku leeyahay, Maadaama oo uu ka soo baxayo Madaxweynaha Mustabalka ee xisbiga KULMIYE, markaa in guddiga fulinta iyo Golaha dhexe shiraan waa dabiici oo habeen walba waanu shirnaa, waxaana laga hadlayaa sidii shirkaasi u hagaagi lahaa ee uu si hufan oo Caddaalad ah ugu dhici lahaa”
Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), waxa uu tilmaamay inay Shirar doceedyada socda uga dan leeyihiin inay jilciyaan sida uu Shirka Golaha dhexe u dhacayo “Waxaanu go’aansanay inaanu jilcino sida loo gelayo shirka, waayo? Mustaqbalkii KULMIYE waxa uu ku xidhan yahay habka loo maamulo shirkaa. Markaa anagoo ah xubno dhowr iyo Soddon ah oo guddiga fulinta, xubno Baarlamaanka ka mid ah iyo Golaha dhexe ah ayaanu halkan (Maansoor) ku tashanaynay waxaana Musharraxiinta intooda badan isla qaateen in Sabtida aanu qabanno shir weyn oo aanu kaga hadlayno arrimaha xisbiga” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxa kale oo aanu kaga hadlaynaa shirka Sabtida waxaad ogeydeen in Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE uu ku baaqay in Maalinta Sabtida la is-diwaangeliyo oo la qaato Kaadhadhka Golaha dhexe, laakiin Musharraxiintu waxay u baahan yihiin inay helaan cid wakiil uga ah qaadashada kaadhadhka oo ka hubisa in dadka kaadhadhka qaadanayaa yihiin Golaha dhexe, Waayo ? siyaasaddu aamin malaha”.
Hargeisa Somaliland