Hargaysa (Xogsoormedia.com)WAR-SAXAAFADEED Nuqul Kamida Oo Hanbalyada Sanadka Cusub Ahi Soo Gaadhay Shabakada Xogsoormedia.com
(Gudoomiyaha Jimciyada Waxbarashada Diinta iyo Qaban –qaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga Ah (Jimciyatul Axbaab ) Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi Xaaji Cilmi Nuur ayaa waxaa uu Hambalyo iyo Duco u direy UmadaMuslimiinta ahmeelkasta oo ay daafaha caalamka ka joogaan gaar ahaana Bulshada reer Somaliland isagoo ku hambalyey Munaasibadda Sannadka Cusub ee Islaamka 1437 (Hijiriyada) awgii oo ku beegan maanta oo ah maalin Arbaca ah taariikhda milaadiguna tahay 14.10.2015
(Gudoomiyaha (Jimciyatul Axbaab ) Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi Xaaji Cilmi Nuur waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa in uu Shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sanadkan Sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bash-bash, iyo Barwaaqo, inta Buktana uu ka Dulqaado Xanuunka, inta Caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo.
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland