Madaxweynaha Soomaaliya Oo Sheegay Inuu Yahay Musharaxa Madaxweynenimo Ee Sanada 2016 Tilmaamayna  Inaanay Dowlad Ay Niman Dam-Jadiid Leeyihiin Ama Ay Lahaan Karaan Dalkan Aanay Ka Jirin.

0
333

 

(Xogsoormedia.com) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  cadeeyay in aan waligii ka mid noqon Urur Diimeedyada wadanka ka jira,waligiina aanu ka mid noqonayn

Madaxweynaha  ayaa tilmaamay inaanay jirin dowlad ay leeyihiin Dam-Jadiid, waxaa kale oo auu sheegay inaanay jirin koox kale oo lahaan kartaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo arrimaahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Aniga ka Madaxweynae Xasan ahaan waligay kamaan mid noqon Urur-Diimeedka Daamu-Jadiid ismana lihi ka mid noqo waligay.Al-Islaax ,Al-Sheekh ,Ahlusuna ,Ictisaam, Al-Itixaad, midna kama mid noqon, Madaxweyne kasta dad ka ag-shaqeeya oo ka agdhaw oo shaqada u fududeeya wey soo jireen, dabcana waa ay jirayaan, laakiin Dowlad Damul Jadiid ay leedahay dalkan kama jirto”

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu shaaciyay inuu markale yahay musharax  sanada 2016 , kuna hanweyn yahay inuu markale qabanayo jagada Madaxweynenimo ee Somaliya ,hadii lagaga guulaystana uu la shaqayn doono cidii qabata jagada madaxtinimada.

Xasan Sheekh Madaxweynaha Soomaaliya isaga oo arinkaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan rabaa inaan dhaqan cusub iyo wado cusub inaan jideeyo, Musharaxna waan ahay oo sidaas ayaan Musharaxa ku ahay, hadii la ii doorto inaan mar kale sii joogo diyaar u ahay, hadii aan la ii garan waxaa raalli ka ahay inaan xilka ku wareejiyo qofkii la soo doorto”.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa sheegay in hadii aanay suurtagaal ahayn inay doorasho la qabto oo ay dhici waydo  waydoo inaanu maallin ku darsanayn intii ay dadku doorteen.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here