Mustaqbalka siyaasadda Saylici ayaa hadda ku jirt tijaabadii ugu adkayd ee lagu qiimayn lahaa in uu yahay nin hoggaamin leh oo qaranka badbaadin kara iyo in uu noqdo nin ay ka tashadaan reer KULMIYE
Haddii uu maarayn kari waayo xaaladda Boorama Tallaabana ka qaadi waayo dadka ku hanjabaya wax lid ku ah qaranimada Somaliland taasi waxay meesha ka saaraysaa u hanqal taagga kal dambe iyo in uu kursiga ku soo noqdo.
Md Saylici wuxuu dhawr goor kaga cawday Siilaanyo in aanu gobolka Awdal waxba ka waydiin taasoo uu marar badan kuba duday imikana isagoo taladii haya ayuu ka aamusanyahay.
Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Tan iyo markii ay magaalo Madaxyada Gobolada Togdheer ee Burco iyo Awdal ee Boomara ay ka furmeen wareegga koobaad ee Tartanka ciyaaraha Gobolada Somaliland waxaa magaalada Boorama ka dhacay dhacdooyin kala dambeeyay oo saamayntooda leh.
Kuwaasoo ay ugu weynayd weerarkii lagu soo qaaday guriga guddoomiyaha gobolka Awdal xilli niskii dambe ee habeenimo ah arbacadii todobaadkii hor,weerarkaasoo ay ku dhinteen laba askari islamarkaana ay ku dhaawacmeen laba askari oo kale.
Tallaabada waxaa kaliya ee ka hawl galay ciidamada kala duwan oo dalka oo dagaal xuduudka Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeya kula galay xubno kamid ah kooxdii weerarka fulisay kuwaasoo rag maxaabiis dagaal ah laga soo qabtay.
Waxaa kale oo isla habeenimadii weerarku ka dhacay magaalada Boorama subaxnimadeedii magaalada Boorama laga soo xidhay dad tiradooda lagu sheegay 26 qof oo iskugu jiray ganacsato,odayaal iyo dad kale oo uu ku jiro Maayarkii hore ee degmada Boorama oo dhacdadaa weerarka guriga guddoomiyaha gobolka lala xidhiidhiyay.
Isla maalintaa galanimadeedii waxaa ka dhacay magaalada gaar ahaan garoonkii ciyaartu ka socotay rabshado sababay dhimashada wiil dhalinyaro ah oo ay ku dhacday rasaas ay ciidanka ammaanku ku kala dareerinayeen dhalinaro rabshado samaysay.
Markii ay halkaa arrintu maraysay waxaa warbaahinta la hadlay salaadiin uu ka mid yahay suldaan Xasan Xaddi Baade oo ku hanjabay in ay tallaabo qaadayaan haddii ay Xukuumaddu sii dayn waydo dadka lasoo xidhay.
Intaa ka dib waxaa habeen labaadkii warbaahinta laga daawaday Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar oo ku hanjabay dagaal uu ku soo qaadayo Somaliland gaar ahaan gobolka Awdal.
Intaasoo dhan oo dhacday ayaan wax hadal ah laga maqal Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha,waxaa kale oo aan dhicin in Xukuumaddu wefti u dirto Boorama sida dawladda Somaliland caadada ugu ahayd mar kasta oo meel wax ka dhacaan in markiiba xuno ka tirsan Xukuumaddu in ay ka hawl galaan oo arrinta ay dejiyaan.
Waxaanay Xukuumaddu xaaladda ka taagan magaalada Boorama iyo hanjabaadaha Madaxdhaqameedka magaalada jooga iyo fariinta SULDAAN Wabar iska soo duubayba kaga jawaabtay ammaan ay Itoobiya u jeedisay iyo eedayn ay Soomaaliya ku eedaysay in ay kadambaysay weerarkii lagu qaaday guriga guddoomiye Ramaax ee askartu ku geeriyootay.
Intaa waxaa dheeraa oo kaliya guddoomiye Maxamuud Cali Saleebaan oo joogto Warbaahinta ula hadlayay xaaladana dejinayay.
Dorraad ayay mar kale rabshado ka bilaabmay ciyaartii dhex martay Boorama iyo Hargeysa,taasoo ciidanka ammaanku rasaas ay dadkii garoonka joogay oo rabshado sameeyay ay ku kala dareerinayeen ay sababtay dhimashada wiil dhalinyaro ah oo arday ah iyolabakale oo dhaawac ah.
Markii ay dhacdadaasi dhacday waxyar ka dibba waxaa war baahinta la hadlay xubno ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Boorama oo ku hanjabay in aanay u dul qadanayan wax ay ugu yeedheen Maamulka Hargeysa duulaanka ay soo qaadeen in aanay u dul qaadanayn,halka ay ku hanjabeen in aan magaalada Boorama ciyaaro dambena lagu qabanayn.
Waxaa kale oo ugu sii darnayd markii xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka degmada Boorama uu ku hanjabay in ay shicibka magaalada Boorama qri qaadan doonaan oo ay dagaalami doonaan.
Waxaa mar kale shalay magaalada Boorama ka dhacay rabshad kale oo sababtay in rabshado magaalada ka dhacay lagu gubay guriga taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Awdal falka guriga taliyaha qaybta booliksa gobolka Awdal ee magaalada Boorama lagu gubay ayaa ka mid ah rabshado soo noq noqday oo magaalada ka dhacayay intii uu Madaxweyne Siilaanyo socdaalka dibada ugu maqnaa isla markaana uu Saylici o ah ku-xigeenkiisu dalka kaga ahaa ku simaha Madaxweynah.
Waxaa kale o shalay magaalada Boorama ka dhacay muddaharaadyo taayiro waddooyinka qaar lagu gubay iyo rabshado ay ay samaynayeen dhalinaro gadoodsan.
Waxaa kale oo shalay magaalada Boorama aan ka qabsoomin isla markaana aan lagu ciyaarin ciyaartii loo balan sanaa in ay ka dhacdo garoonka Xaaji Daahir ee magaalada Boorama.
Taasoo muujinaysa in magaalada Boorama uu fa fulay amarkii iyo hanjabaadii ka soo yeedhaysay salaadiinta qaar iyo Xildhibaanadii ku hanjabayay halada ka dhanka ah qaranimada Somaliland.
Habada marka ugu horraysa maxaa sababay in Suldaan wabarka falaagada ah, qaar ka mid ah Madadhaqameedka Boorama iyo xildhibaanadii golaha deegaanka ee magaaladuba si isku mid ah ugu wada hanjabaan hadal ka dhan ah Somaliland,Xukuumadduna aamusnaan kaga gaabsato.
Madaxweyne ku-xigeenka Somalialnd Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici isla markaana ah ku simaha Madaxweyaha,ayay dhacdadani noqonaysaa tii ugu adkayd ee dalka ka dhacda xilli uu Madaxweynihii maqan yahay isla markaana ka dhacday gobolkii uu ka soo seeday oo uu waxba ka qaban kari waayay.
Kana hot tagi kari waayay nabad gelyo darro ka dhalan karta hadalada qaranimada lidka ku ah ee ka soo yeedhay Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Boorama xubno ka mid ah iyo Madaxdhaqameedka gobolkiisa oo ku sugan magaalada Boorama.
Waxaa kale oo iswaydiin mudan mudane Saylici sababta uu aamusnaanta ugu daawanayo rabshaha ka socda magaaada uu u dhashay iyo hadalada dhiilo sidka ah ee ka soo yeedhaya odayaashiisa iyo xildhibaanada Magaaladiisa.
Taasoo loo qaadan karo haddii aanu hadda tallaabo qaran oo uu ku badbaadinayo wada jirka qaranimada Somaliland aanu ka qaadan mid aanu awood siyaasadeed iyo mid masuuliyadeed toona aanu waxba kaqa qaban Karin isla maraana aanu deegaankiisa wax saamayn ah aanu ku lahayn.
Waxaa kale oo dadka reer Somaliland is waydiinayaan halka uu ku maqan yahay Wasiirkii Arrimaha gudaha Somaliland oo weerarka iyo rabshadaha Boorama ee ay ku dhinteen aragta qof kuna dhaawacmeen todobada ruux sababta uu uga aamusan yahay ee uu uga hawl gali waayay.
Inta uu Madaxweyne ku-xigeenku talada dalka ku simaha ka sii yahay waxaa tijaabo ugu filan sida uu u maareeyo xaaladda Boorama oo kacsan iyo sida uu wax uga qabto siyaasiyiinta iyo madaxdhaqameedka deegaankiisa ee ay ka soo baxayaan hadalada xaalad abuurka ah ee lidka ku ah qaranimada Somaliland.
Haddii uu dejinta shaqaaqada Boorama ku guul darraystana waxay saamayn ku yeelan doontaa soo noqoshadiisa kal dambe iyo in uu ku soo boxo mushsraxa jagada Madaxweyne ku-xgeenka KULMIYE ee uu hadda ku fadhiyo. Kusii jirista Masraxa siyaassada ee Saylici waxay ku jirtaa tijaabadii ugu adkayd ee lagu qiimayn lahaa in uu yahay nin hoggaamin leh oo qaranka badbaadin kara haddii ay xaalad adagi la soo gudboonaato iyo in uu noqdo nin ay ka tashadaan reer KULMIYE oo aan tallaabo qaadi Karin isla markaana dalku haddii uu dhankiisa ka dumayo aan badbaadin Karin.
Md Saylici wuxuu marar badan cabasho ka muujiyay in Madaxweyne Siilaanyo aanu waxba ka waydiin talada gobolka Awdal isla markaana Madaxweynuhu siduu doono ka yeelo taasoo uu marar badan kaga duday xafiiskiisa laguna dhex galay Madaxweynaha oo uu kula garnaqsaday.
Laakiin maanta oo uu taladii dalka Madaxweyne ka yahay isla markaana uu Madaxweynihi dalka ka maqan yahay xilka qarankuna isaga saaran yahay,hadaba Saylici ma markii uu md Siilaanyo ka cabanayay ayuu iska hadlayay oo aanu Boorama waxba ka ahayn mise Reer Boorama,ayaan isaga waxba ka aaqbalayn oo uu is ogyahay.?waa su,aal jawaabteeda aynu ka sugayno tallaabada uu qaato Md Saylici.
Waxaana isha lagu hayaa hadda xaaladda ka taagan Boorama iyo sida uu u maareeyo inta uu dalka ka yahay kusimaha Madaxweynaha.
Xigasho Wargeyska Codka Shacabka
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland