Gar-adag:(Xogsoormedia.com)- Maamulka Dawladda Hoose ee Degmadda Gar-adag,ayaa waxa sheegeen inay abaaro ba’ani ka jiraan deegaamadda hoos yimadda Degmadda Gar-adag,waxaanay intaas raaciyeen in Xoolo-dhaqatadii ay u kala hayaameen deegaanada kale,kuwaas oo ay Naq iyo doogba bideen,balse aanay ilaa hadda helin wax ay ku nagaadaan.
Waxay sheegeen in Foosta Biyaha ahi ay kor-u-dhaaftay 5$,taas oo aanay dad badani awoodin inay Iibsadaan.
Maayar Ku-xigeenka Degmadda Gar-adag,Yuusuf Cabdi Axmed iyo qaar ka tirsan Xildhibaanadda Gollaha deegaanka oo kormeero qiimayn ah kusoo maray qaar ka tirsan Deegaamadda ay Abaaruhu saameeyeen,ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inay gurmad deg deg ah ay soo gaadhsiiso dadweynaha tabaalaysan Abaaruhu ku dhufteen.
Xigasho: Oodweyne News.com
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland