Muqdisho (Xogsoormedia.com):-Diyaarad laga leeyahay dalka Masar ayaa caawa fiidkii ku dhacday duleedka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Diyaaradan oo nooceedu ahaa Airbus 300 ayaa ku dhacay deegaanka Carbiska ee duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.
Diyaaradda ku dhacday duleedka Muqdihso ayaa raashin u sidday ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya iyadoo ka soo duushay dalka Masar,
Diyaaradda,ayaa intii aanay dhicin waxaa u suurta gali wayday in ay ku degto garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo habeenkii aan shaqayn.
Agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee Soomaaliya,ayaa sheegay in ay diyaaradu ku soo beegantay xilli garoonka Muqdisho uu xidhanyahay oo aanu shaqaynayn.
“Garoonka diyaaradaha Muqdisho wuu xidhan yahay laga billaabo 6:00 maqribnimo illaa 6:00 aroornimo, shaqaalaha diyaaradana waxaan ku war-gelinay in haddii ay soo degaan aanay duuli karin maadaama ay sharciga garoonka ku xad-gudbeen,”ayuu yidhi sarkaalka u hadlay dawladda Soomaaliya.
Waxaanu intaa ku daray isagoo hadalkiisa sii wata. “Dhamaan shaqaalihii diyaaraddan la socday waa la badbaadiyay, waxaanse ka sheegayaa halkan inay ahaayeen kuwo aan lahayn khibrad dhanka duulimaadka ah oo ku filan, waayo shidaalka ay wateen ma ahayn mid ku filan,”
Shilka diyaaradan millatari ee laga leeyahay dalka Masar ayaa waxaa sabab u noqday soo dhicitaankeeda amar ka soo baxay saraakiisha dhinaca hawada ee Dawladda Soomaaliya oo intaanay diyaaradu intii aanay ku dhicin Booda Boode ee u dhow Carbiska waxay muddo dul wareegaysay garoonka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ay doonaysay in ay soo cago dhigato laakiin Masuuliyiinta dhanka Hawada ee Soomaaliya ayaa diyaaradda oo hawada ku jirta waxay amar ku siiyeen haddii ay soo fadhiisato in aanay duuli Karin caawa oo dhanna ay ku xanibnaanayso garoonka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho
Dhinaca kale dawladda Masar iyo madaxda ciidanka AMISOM ee ay raashinka u sidday ayaan midna dhankooda ka hadal shilka ku dhacay diyaaradda.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland