Xarunta Tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho Oo Dib Loo Furay.

0
316

Muqdisho(Xogsoormedia.com)Waxa maanta dib loo furay xaruntii Tv-ga Univewrsal ee magaalada Muqdisho.
iyada oo ciidamada nabadsugida ee magaalada Muqdisho ay xidheen 2-dii bishan aynu ku jiro.
waxaana xaruntan Tv-ga Universal ku lahaa Magaalada Muqdisho ay xidhnayd mudo dhan sagaal cisho, ka dib markii Hay’ada nabad sugida ee Soomaaliya ay amar ku bixisay in albaabada loo laabo xaruntan ila amar danbe ka soo baxayo Hay’adan nabadsugida.

Sidoo kale waxa iyaguna xoriyadoodi dib u helay Labo Wariye oo kala ahaa Cawil Daahir Salaad iyo Agaasimaha Tv-ga Xarunta Bariga Afrika C/llaahi Kulmiye Xirsi ,inkastoo 6 Cisho ka dib la siidaayay iyaga oo xidhna lix cisho.
Xaruntan Tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho ayaa hada si habsimaya u bilowday hawlaheedi shaqo ee ay ka haysay dalka Soomaaliya

Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here