Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiye ku xigeenka sadexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray),ayaa fasiraad ka bixiyay loolanka ka dhextaagan xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE isla markaana ku tilmaamay baarqabyada KULMIYE kuwo aan waxba isku ogolayn isla markaana aanay jirin wax ay ku heshiin karaan.
Mujaahid Cali Guray oo qoraal uu arintaas kaga hadlayo soo dhigay bogiisa Facebook,ayaa qoraalkiisa ku bilaabay sidan.
“Waar odaygii Madaxaynaha ahaa iyo Guddoomiyihii Xisbigiisa maxaa kala haysta. Bal isagii baa leh aniga ayaa musharax ah shaashadihii Tv-yada habeen walba waxa taagan dad leh waxanu nahay ergada Reer hebel Golaha Dhexe ee Kulmiye kaga jirta oo waxaanu hal daba la’ ugu codaynaynaa musharaxa jagada Madaxwaynaha Muj. Muse Biixi.
Hadii laga shakisan yahay inu Madaxwaynuhu uu musharax yahay ee garanay wixii hoos loo kala shirsanayo balse waxa dheeraad ah kuwa warbaahinta sida tooska ah isu soo tubaya ama loo soo tubayo.
Tan kale maxaa u diiday inay si cad oo toos ah mar uun Madaxwaynaha iyo guddoomiyaha xisbigiisu u wada hadlaan intii aanay muddayn Kalfadhiga Golaha Dhexe 10.ka Bisha November oo hadii Madaxwaynuhu musharax yahay uu xaq u leeyahay in aan cid Kale la tartamin ee hore Musharaxnimada loo siiyay doorashadii 2010kii markii uu ku guulastayna uu xaq u leeyahay in mar kale toos isu soo sharaxo hadii iskii aanu isagu uga tanaasulin sida ku cad dastuurka. Waxan is leeyahay KULMIYE wax uu isu ogol yahay iyo wax uu heshiis ku yahay ama xataa ku heshiin karaa ma jirto.Inay isu badheedhi karaana u malayn maayo.
Labadan sanadood waxa doorashada dib loogu dhigay waa Kulmiye oo aan doorasho diyaar u ahayn inu helo wakhti uu ku kala baxo doorashona isugu diyaarin karo lakiin waxa muuqata in heshiis daaye aanu xataa shirba qabsan karin taas oo ah in aanay jirin wax doorasho ah oo dalka ka qabsoomi kartaa waayo dee doorasho uu ka maqan yahay xisbigii talada hayay inay qabsoonto Madaxwaynaha iyo xukuumadiisu ma aqbalayaan.
Haduu ahaan lahaa xisbi mucaarid ah looma joojiyeen ee labada xisbi ee kale ayuun bay noqon lahayd inay tartamaan Doorashada Madaxtooyada tan Wakiiladuna way u furnaan lahayd oo way ka qaybgeli lahaa. Maanta Somaliland dimuqraadiyad deedii iyo doorashooyin keediiba waxay u halis yihiin inay u burburaan kulmiye dartii. Waxan leeyahay uma qalmo Kulmiye inay Somaliland oo dhami u burburto khilaafka isaga gudihiisa ah ee khuseeya Kulmiye keligii ee aanay jirin cid kale uu khuseeyaa.
Marka aan Kulmiye aqaan ka fursan mayso inay odayga kelifaan oo mar kale is tahbiibo si uu u kala furto ban ka qooqyada aanu karin inu kala reebo iyo in uu kala raaco midna
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland