Wasiirka Arrimaha Dibada Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Maxamad Biixi Yoonis Oo Sheegay Inuu U Taagan Yahay Musharaxa Madaxweynenimo Ee Xisbiga Kulmiye

0
300

 

Hargeysa(Xogsoormedia.com) wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Somaliland  Mudane  Maxamed Biixi Yoonis   ayaa sheegay inuu u taagan yahay jagada madaxweynenimo ee xisbiga Kulmiye.

Waxaa u  sheegay wasiir  Maxamad Biixi Yoonis inuu yahay musharaxa xisbiga golaha dhexe ee xisbiga  KULMIYE, marka la gaadho shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo qabsoomi doona  10 November, 2015.

Wasiir Maxamed Biixi oo habeen hore dadweynaha reer Somaliland ee degen magaalada London kulan la yeehsay waxa uu sheegay inuu shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye kaga dhawaaqi doono hankiisa musharaxnimo ee sanadka 2017 taasi oo uu ku doonaayo in loo doorto jagada madaxtinimo ee wadanka.

Wasiir Maxamad Biixi Yoonis isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “diyaar ayaan u ahay doorasho xor iyo xallaal ah, diyaar baan u ahay oo waan soo dhawaynaya in si Dimuqraadi ah oo xallaal ah loo tartamo, waxay sharaf iyo karaamo u tahay Somaliland, waxay sharaf iyo wanaag u tahay Dimuqraadiyadeena iyo horumarkeena, waxay tusaale u noqon doonta siyaasadda xisbiyada badan oo sunahoodu yahay in dhexdooda lagu tartamo” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiir Maxamed Bixii wuxuu ka sheekeeyay shaqooyinkii kala duwanaa ee uu ka soo qabtay Qaramada Midoobay, isagoo sidoo kalena ka waramay muddo badan oo uu macalin ka soo noqday magaalooyinka Somaliland, sida Hargeysa, Baligubadle, Salaxley iyo meelo kale. Wuxuu sheegay in mudadii uu joogay wasaaradda khaarajiga uu xoojiyay siyaasadda dibadda Somnaliland.

Waa markii u horaysay ee uu wasiirka arrimaha dibaddu si rasmi ah u xaqiijiyo inuu yahay musharax madaxweyne oo xisbiga KULMIYE ka dhex tarami doona. Waxa kale oo iyaguna damacooda tartanka KULMIYE cadeeyay guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi, Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here