Wasiir Maxamad Biixi Yoonis Oo Ku Celiyay Markale Inuu U Taagan Yahay Jagada Madaxweynenimo Ee Xisbiga Kulmiye.

0
290

Hargeysa (Xogsoormedia.com) Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland mudane Maxamad Biixi Yoonis oo dalka maanta dib ugu soo laabtay isagga oo ka mid ahaa waftigii madaxweynaha.

Ayaa waxa garronka diyaaraduhu ay ka haadan ee cigaal international Airport ee magaalad Hargeysa waxa ku soo dhaweeyay kumaanaan ka mida dadweynaha caasimada,sulaadiin cuqqaal iyo qaarka mida madaxda qaranka.

Wasiirka ayaa markuu soo caga dhigtay garoonka waxa uu warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee VIP-da  Ee madaarka Cigaal International ee magaalada Hargeysa.

Waxaanu wasiirku sheegay inuu yahay musharaxa madaxweynenimo ee xisbiga Kulmiye,isla mar ahaantaana uu tartan la galayo musharixiinta kale ee u tartamaysa jagada madaxtinimada ee xisbiga Kulmiye.

Wasiirka oo warbaahintu waxka waydiisay inuu xilka wasiirnimo iska casilaayo mar hadii uu u sharaxan yahay jagada madaxtinimo ee wadanka ayaa sheegay inaanu marnaba ka tageyn,xilkiisa wasiirnimo.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here