Suldaan Wabar Oo Is Buriyay’Siyaabo Kala Duwanna Somaliland iyo Ula Hadlay

0
305

w/wararka(Xogsoormedia.com):- Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar,ayaa dawladaha Somaliland iyo Itoobiya si yaabo kala duwan ula hadlay isla markaana ku hanjabay dagaal in uu ku qabsan doono gobolka Awdal.

Waxaa kale oo uu ka hadlay shirqool uu sheegay in uu ka badbaaday kaasoo kaga yimi dhanka Itoobiya,waxaanu intaa ku daray baaq uu u kala diray beesha Caalamka,Dawladda Soomaaliya bulshada gobolka Awdal iyo meelo kale.

wabar

Waxaa kale oo uu sheegay in aanu ahayn nin hubaysan oo qori sita laakiin uu yahay suldaan dhaqan oo nabad ka shaqaynaya,halka uu hadana ku hanjabay in uu dagaal ku qabsanayo deegaano ka tirsan Somaliland

“Xuduudda qarka xiga Itoobiya dadkayga ugu badan ee I doortay ayaa deggan oo waan joogi karaa, cidda igu qabsata inaan ka tagaana waa cid gardaran. Laakiin amar khaldan oo dawlad weynta Itoobiya aan ka soo fulin ayaa shalay qaybo ka soo fulay, waannu qaadanay amarkii xuduuddana waannu dhaafnay oo qaybta kale (Somaliland) ee la iga doortay ayaannu tagnay.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Wabar.

Hadaba halkan ka daawo muuqaalka Suldaan Wabar iska soo duubay..

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia@gmail.com

Abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here