Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xoghayaha Guud ee Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf,,ayaa beeniyay isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE in ay isku raaceen oo ay wada taageereen musharaxnimada Xildhibaan Axmed Kijaandhe.
Waxaa kale oo uu sheegay in ay jirtay casuumad ay salaadiintu u qabatay xubnaha golaha dhexe KULMIYE kaga jira ee Beeshiisa isla markaana xubnaha golaha dhexe ee KULMIYE ee beeshiisa laga sugayo in ay ka wada hadlaan arrimaha xisbiga iyo aayihiisa taasoo uu shegay in ay tahay wax ay xubnaha golaha dhexe ee kulmiye kaga jira beeshiisu ay u balameen iskana arki doonaan.
Waxaanu gabi ahaanba beeniyay in ay wax ka jiraan in xubnaha beeshiisu isku raaceen in ay cid taageeraaan waxaanu warbaahinta uga digay baahinta wararka aan xaqiiqada ahayn.
Warsaxaafadeedka uu soo saaray Xasan Siciid Yuusuf Xoghayaha guud ee KULMIYE,ayaa u dhignaa sidan
WARSAXAAFADEED
Ujeeddo: War Beenin
Anigoo ah Xasan Siciid Yuusuf, Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, kana tirsan xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga ee beesha Arab, waxaan halkan ku beeninayaa war been abuur ah oo ay qortay shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews, kana xigteen warbaahin kale, warkaas oo ay ku sheegtay in xubnaha golaha dhexe ee beesha Arab ay si buuxda isugu raaceen taageerada murrashaxa Xildhibaan Axxmed Cabdi Kijaandhe kadib shir ay isugu yimaadeen shalay (Khamiis). Haddaba, waxaan caddaynayaa in aanay waxba ka jirin warkaasi oo uu yahay mid been abuur ah.
Waxa jiray shir casuumad qado ahaa oo ay qabteen salaadiinta beesha Arab, kaas oo aan habayaraatee cid lagu taageeray iyo cid lagu diiday toona aanay jirin, waxaanna shirku isku raacay in xubnaha golaha dhexe ee beesha ugu jira KULMIYE ay gaar isku arkaan oo ay ka wadatashadaan arrimahooda xisbinimo. Sidaa darteed, xubnaha golaha dhexe waxay yeelan doonaan wadahadallo iyo wadatashiyo gaar ah, isla markaana waxay si dhakhso ah uga soo saari doonaan is-afgarad ay ka gaadhaan danahooda.
Waxaan uga digayaa warbaahinta inay ka waantoobaan wararka been abuurka ah ee aan waafaqsanayn anshaxa iyo dheeltirka wareed, iskana horkeenaya bulshada
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland