Maxamed Biixi Xil Ku KULMIYE Mansab Aanu Gaadhayn U Hawooday iyo Quusta Uu Kala Kulmay Xubnaha Golaha Dhexe

0
371

 

Xil Ku KULMIYE Tartan Lama Gali Karo Aasaasaha Xisbiga:

Hargeysa (Xogsoormedia.com):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayay xaaladu ku adag tahay isla markaana maraya laba daran mid dooro taasoo ah in uu xilkiisa wasiirnimo ku qanacsanaado oo uu ka tanaasulo xilka uu doonayo iyo hankiisa musharaxnimada jagada Madaxweynaha ee xisbi Xaakimka KULMIYE

m,biixi

Maxamed Biixi Yoonis,Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa xilka Wasiirnimo kaga mid noqday golaha dhexe ee KULMIYE. taasoo kooxka ka soo hor jeeda musharaxnimadiisa ee ah taageerayaasha Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi in ay ku doodayaan haddii uu musharax rasmi ah yahay Maxamed Biixi Yoonis in uu xilka iska casilo haddii uu xilka iska casilana taasi waxay dhabbaha u xaadhaysaa in uu waayo xubinninadda xisbiga KULMIYE ee uu hadda mansabka wasiirnimo ee Madaxweynuhu u magacaabay uu kaga mid noqday.

Xeeka KULMIYE,ayaa dhigaya in Wasiir kasta oo ka tirsan Xukuumadda Siilaanyo in uu toos uga mid yahay Golaha dhexe ee KULMIYE laakiin marka uu xilka baneeyo amma laga qaado waxaa uu waayayaa xubinimada golaha dhexe waa haddii uu xil ku KULMIYE noqday taana waxaa daliil u ah rag hore oo xilal wasiirnimo soo qabtay oo aan markii hore KULMIYE ahaan jirin oo sidaa daaqada kaga baxay.

Hadaba Maxamed Biixi Yoonis ayaa xilligan saaran doonni ay mawjado siyaasadeed weedhaaminayaan oo ah halis soo food saartay hankiisa siyaasadeed.

Hadaba dhanka inta badan aqlabiyadda xisbiga KULMIYE ee ka soo horjeeda Musharaxnimada Maxamed Biixi ee la socda Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE,ayaa ku doodaya in Musharaxnimada Maxamed Biixi ay tahay riyo aan run ahayn iyo han aan jirin taasoo ay sabab uga dhigeen in aanu ahayn nin KULMIYE ka tirsanaan jiray oo ka dhex muuqan kara,waxaanay ku adkaysanayaan in ay dibadda u tuuri doonaan marka uu xilka isla casilo ee uu ku dhawaaqo in uu yahay Musharax u tartamaya jagada Madaxweyne ee Xisbi xaakimka in ay markaa tusayaan awoodiisa tusayaan oo ay si cad uga saari doonaan guud ahaan xisbiga KULMIYE.

Maxamed Biixi waxaa uu hayaa jid qodxaan badan oo uu halsi ugu jiro in uu ku sii socon kari waayo waxaana la gudboon in aanu bulshada Somaliland is tusin inta uu aragti ahaan wax ka arkayo isla markaana ka tanaasulo isku dhererinta Muuse ee aan ka dhabta ahayn ee   waliba dhabartaabashadu sababta u tahay.

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi waa u diyaar in uu qof kasta ooh an lihi is tijaabiyo laakiin waxay is waydiintu tahay ma KULMIYE,yahanka ayaa tartamaya mise xataa dadka aan KULMIYE ahayn ee suuqa jooga ayuu tartanka musharaxa xisbigu u furan yahay.

.

Muuse Biixi- oo ah Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE isla markaana u tartamaya in uu noqdo musharaxa jagada Madaxweynaha Somaliland cidda uu u sharaxayo Xisbiga KULMIYE oo xisbiga ku soo tabcay isla markaana guulo taariikhiya oo uu KULMIYE gaadhay sabab u ahaa suura gal ma tahay in xil ku KULMIYE mansabka Madaxweyne Siilaanyo u dhiibay nin ku soo qabsaday tareenka Xisbigu in uu Muuse la tartamo iyo in ay golaha dhexe ee KULMIYE cod siiyaan nin aan tacabba ku lahayn xisbiga.

Hadaba waxaa la gudboon Mamaxamed Biixi in uu ilaashado mansabka xilka Wasiirnimo ee uu ku KULMIYOOBAY isla markaana ka noqdo humaagga loo sawiray iyo laaca loo dhigay ee aan soconayn lana shaqeeyo Guddoomiyaha Xisbiga waa haddii uu mustaqbal siyaasadeed oo run ah leeyahay haddii uu cid kale midiidin u yahayna hankiisa muqdiga ku jira ha ku adkaysto oo xilka ha iska soo casilo guul daradiisana ummaddu ha wada aragto kulanka koobaad ee shirka golaka dhexe.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here