Weerar Hubaysan Oo Lagu Qaaday Guriga Guddoomiyaha G.Awdal iyo Tirada Dhimashiyo Dhaawac Ee Ka Dhashay

0
334

Boorame(Xogsoormedia.com):-laba askari oo boolis ah ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii xalay weerar hubaysan lagu soo qaaday guriga guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax).

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cale Saleebaan oo shabakada Xogsoormedia.com saaka wax ka waydiisay sida ay wax u dhaceen,ayaa ku jawaabay. “xalay abbaaro 3.15 sadexdii iyo rubuc ayay dablay hubaysani weerar nagu soo qaaday weerarkaana waanu iska difaacnay laba askari way nagaga dhinteen laba kalena waxaa soo gaadhay dhaawac.” Guddoomiye Ramaax oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray annagu weerarka markii nalagu soo qaaday waanu is difaacnay si ay iyaga wax u soo gaadheena kama jawaabi karo imikana waxaa ku daba jira ciidamada oo laga war sugayaa.”ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Awdal oo xalay guriga uu ka degen yahay magaalada Boorama lagu weeraray.

news,,

Dhinaca kale wararka laga helayo weerarka xalay lagu qaaday Guriga guddoomiyaha gobolka Awdal ayaa la sheegay in loo adeegsaday Bambo gacanta laga tuuray iyo rasaas daran doori ah taasoo sababtay dhimashada laba askari oo goobta ku dhintay iyo laba kale oo ku dhaawacmay waxaanay ka mid ahaayeen ilaalada guriga Guddoomiyaha gobolka Awdal.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here