Boorame(Xogsoormedia.com):-Koox dabley ah oo hubeysan ayaa saqbadhkii xaley weerar la beegsadey Guriga uu ka degan yahay Magaalada Boorame Gudoomiye Saleebaan Cali Hayste(Ramaax), halkaas oo dableydaasi ku dileen labadii Askari ee Ilaalada u ahaa, kadib markii bambo gacmeed iyo rasaas dableydaasi la beegsadeen.
Ilaa iyo hada wararka naga soo gaadhaya Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal,khasaaraha ka dhashey weerarkaasi ayaa waxa kale oo dhaawacyo soo gaadheen laba Ciidanka Qaranka iyo Booliska ka kala tirsan majiraan dhaawacyo kale oo weerarkaasi ka dhacay goobtaasi,
Dhinaca kale,waxa dhacdadan loo taxaabey Xarunta Baadhista Dambiyada Culus ee Caasimada Hargeysa loo gudbiyay lagana soo taxaabey Magaalada Boorame, Shakhsiyaad loo tuhunsan yahay in ay qeyb ka ahaayeen falkan Weerarka ah ee saqbadhkii xaley dhacay waxaanay kala yihiin
la taxaabay Gancasato, iyo Maayarkii hore ee Boorame iyo madaxdhaqameed dhamaantoodba kasoo jeeda Degmada Boorame.
1-Dumaal qaadlaha Boorame iyo Xeebta
2-Maayarkii hore Saleebaan Xasan Xadi
3-Idiris Alnajax Sariflaha Weyn ee Boorame
4-Awgaab Maamule kuxigeenka Shirkada Telesom ee Gobolka Awdal.
5-Faarax Gaagiile/Dumaalka walaalkii
6-Chief Caaqil Axmed Kaahin,
7-Dirwalkii Jaamacada Camuud Baska u wadey(magaciisa lama hayo)
8-iyo Wiil uu dhaley Dumaalku.
9-iyo laba dhalinyar ah oo kale.
Sikastaba ha ahaatee shaqaaqada weerarka lagu qaadey Gudoomiyaha Gobolka Awdal Saleebaan Cali Hayste(Ramaax),ayaa la sheegay in kooxda dableyda ah ee weerarka ku qaadey ay dhamaantood fakadeen kuwaas oo la sheegay in laga abaabuley Gudaha Magaalada Boorame laakiin aaney aheyn, kuwa meel kayimid waxaanay dadweynaha Reer Boorame intooda badani ku xidhiidhinayaan dhacdadan cadhada ka kacdey Xilkaqaadistii Maayar Saleebaan oo riiqdeedu ku hadhsan tahay Maayarkii hore Saleebaan Xasan Xadi iyo Ganacsato taageersan oo ay raas yihiin balse aanay aheyn wax meel kale ka yimid.
Xukuumada ayaa Geysay Magaalada Boorame Ciidan dheeraad ah waxaana goor dhaweyd soo gaadhay Gudaha Magaalada Boorame inka badan boqo Askari oo Ciidamada Gurmadka degdega ah ee Booliska Birmadka loo yaqaan iyo Ciidamada ladagaalanka Argagaxisada ee RRU iyadoo ay Boorame ka socdaan Wajiga hore ee tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland,sidaa awgeedna nabedgelyada aad loo adkeeyay Xiisad xasaasi ahina ka taagan tahay.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland