Shirkadda Mv Idil Oo Beenisay Warar Been Abuur Ah Oo Laga Baahiyey

0
269

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Shirkadda Markabka Mv Idil ayaa beenisay warar been abuur ah oo laga baahiyey raashin uu siday markabkaas oo qayb ka mid ah ay biyo gaadheen.

Shirkadda ayaa waxa ay sheegtay in bariis markabkaas saarnaa oo noociisu yahay Basande ay gaadheen biyihii macaanaa ee markabka saarnaa, kaas oo doraad lagu gubay duleedka Magaalada Berbera.

shirkad beenisay

“Raashinkaas oo dhamaa 5,000 kiish waxa lagu gubay duleedka Berbera iyadoo ay goob joog ka yihiin Maamulka dekedda Berbera, Kastamka iyo hay’adda Illaalinta tayada.” Sidaas waxa yidhi guddoomiyaha Shirkadda Maraakiibta ee Mv Idil, Cabdicasiis Aadan Habane.

Shirkaddu waxa kale oo ay sheegtay in maraakiibtu aanay lahayn bullaacado dhexdooda ku yaalla, sidaas daraadeedna wararka laga baahiyey ee sheegaya in raashin sumaysan oo bullaacad ku fatahday uu markabkaasi siday uu yahay been la soo dhoob-dhoobay oo si caqliga saliimka ah ka fog looga fikiray, taas oo la doonayey in sharaf dhac loogu geysto ganacsiga shirkadda.

“Waan garanayaa cidda waxan ka dambaysa ee qoraalkan samaysay. Waa niman siyaasiyiin sheegta oo shaqadoodu tahay xaasidnimo, naxli iyo xumaan ay umadda u geystaan.” Sidaas ayuu yidhi masuulkani.

Warkan been abuurka ah, ayey shirkaddu sheegtay inay faafiyeen siyaasiyiin xagxagasho iyo xumaan wax kaga doonta dadka, kuwaas oo marka ay wax ka waayaanna ceebayn iyo xaasidnimo la daba gala.

“Sharciga ayaanu la tiigsanaynaa ciddii beentaas samaysay, kamana hadhayno.” Ayuu raaciyey.

Dhinaca kale, Isu-duwaha hay’adda Illaalinta Tayada ee gobolka Saaxil, Muxyaddiin Foodcadde ayaa sheegay in ay wax lala yaabo tahay in hay’addooda lagu tilmaamo mid aan waxba qabanin, taas oo war uu qoray wargeyska Waaheen ku tilmaamay inay ka gaabiyeen waajibaadkoodii.

“Waa wax lala yaabo in hanta binu aadam leeyahay oo bed qabta oo qoyaan, sun iyo xumaan ay leedahay aanay jirin in qof wargeys haysta ama suxufi ah uu ku sheego sun. anaga ayaa fasaxnay, xoolihiisa ninkaasi wixii u bad qabayna xaq ayuu noogu leeyahay in meesha uu doono uu u rarto” ayuu yidhi.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here