Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa,Madaxweynaha Somaliland ku ammaanay in uu ka tegay xukuumaddii Maxamed Siyaad ee uu wasiirka ka ahaan jiray sideetameeyadii ka dib markii uu qaadan kari waayay dulmigii ay dawladdii Faqash ku haysay dadka reer Somaliland oo xiligaa ka mid ahaa wixii la isku odhan jiray Soomaaliweyn.
Waxaa kale oo uu ka hadlay Xaalada dalku marayo marxalidihii uu Soo marey ee kala duwanaa, iyo Doorkii Halganka loo soo marey Qaranimada Somaliland ee qoriga Caaradii ku sugnaa iyo Xaalada xiligan ee Hurumarka loogu baahan yahay in lagu gaadho.
Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo kamid ah raga ugu loolanka adag Xisbi Xaakimka Kulmiye, ee damaca Siyaasiga ahi kaga jiro ayaa, Tusaale ugu soo qaatey in uu Mujaahidiintii Halganka Snm haldoorkoodii kamid ahaa Wasiirkii ka horeeyay ee Maaliyada Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi,oo uu ku tilmaamay in uu Waxa badan kasoo qabtey Golaha Xukuumada mudadii uu ahaa Wasaarada Maaliyada oo loo dhiibay Qasnado madhan balse, uu Miisaanaiyadii iyo.Wasiirkii hore oo arimahaa ka hadlayaa Wuxu yidhi.
“Qoriga dalkaa lagu xoreeyay oo rag badan oo hal door ah oo dalkan iyo dadkan qiima ku lahaa ugu soo dhinteen kuwa kale oo badanina ugu soo naafoobeen, maanta waalaga soo gudbey qorigii waana maalintii Qalinka,halkan waxa jooga Maxamed Xaashi Cilmi(Wasiirkii iga horeeyay ee Maaliyada),wuxu kamid ahaa ragii halgankii kasoo qeyb qaatey dalkana wax badan kasoo qabtey oo Wasaarada Maaliyada oo madhan qabtey xilkeeda oo aniga igaga horeeyay oo Ciidamada,iyo shaqaalaha mushaharka u kordhiyay,oo dakhligii kobciyay,ana aan halkiisii kor uga sii qaadey oo libin laabay (Wasiir)Samsamna aan ka rajeynayo in ay halkaa kasii qaadi doonto”Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Maaliyada Cabdicasiis Samaale.
Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa “Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), wuxu Wasiir u ahaan jirey Siyaad Barre oo lasoo shaqeeyay waxa uu ka tagey oo go,aan ka qaatey markuu arkey in Maamulkii qaloocdey haduu Maamulku qaloocdo Go,aan ayaa laga qaadanayaa oo waalaga tagayaa oo ragaa qalooca diidey magac ayay ku qaadanayaan”Ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale, isagoo u duur xulaya asbaabihii uu uga tagey Glaha Xukuumada.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland