Burco(Xogsoormedia.com):- Tababaraha Xulka kubadda Cagta gobolka Sanaag ayaa dhaawac culusi soo gaadhay ka dib markii uu la gaddoomay gaadhi ay wateen oo noociis ahaa Surf deegaanka War idaad kadib markii ay ka soo kicitimeen magaalada Ceerigaabo iyagoo kusoo jeeday dhanka Burco oo ay kaga qayb galayeen tartanka ciyaaraha gobolada oo berri ka furmaya magaalooyinka Burco iyo Boorame.
shilka gaadhi ee uu ku dhaawacmay macalinka kooxda kubadda cagta ee gobolka Sanaag,ayaa la sheegay in uu ka soo gaadhay dhaawac culus isla markaana imika lagu dawaynayo cisbitaalka guud ee magaalada Burco.
dhinaca kale waxaa jira dhaawacyo fudud oo soo gaadhay sadex ka mid ah Ciyaartoyda gobolka Sanaag laakiin dhaawacooda ayaa la sheegay in uu yahay mid fudud.
Xogsoormedia.com
Xigsoormedia@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somalilanda