Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan,ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka iyo tartanka u dhexeeya Musharixiinta ku loolamaya jagada Musharaxnimada Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE.
Guddoomiyaha Guurtidu waxaa kale oo uu ka hadlay colaado ka taagan deegaanada bari hawd ee ka tirsan gobolka Sool.
Ugu horrayn Guddoomiyaha Guurtida oo ka hadlayay Xaaladda guud ee dalka,ayaa yidhi.
“Wadanku Waa wanaagsan yahay ilaahay mahadii ayaynu joognaa,meelo ayaa laga soo sheegayaa Roob yari ayaa laga soo sheegayaa laakiin waa bilaw,waa inoo da’i doonaa wax dhibaato ah oon dalka arkaa majiro,Colaada Ka taagan Barigan waxaan Odhan lahaa ilaahay ha Qaboojiyo Oo Nabad Halaga wada shaqeeyo dhamaantood Sidii la iskugu soo dhawayn lahaa beelaha wada daga ee xurguftu Dhex martay.
Intaas wax auu ku daray Saleebaan Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Guurtida somaliland oo Hadalkiisa Siiwata waxaana uu yidhi.”Anigu Golaha Dhexe ee KULMIYE ma ihi,laakiin waxaan leeyahay wanaag uunbay ugu dhamaan doontaa,nina way iska Dooran Doonaan.
Saleebaan isaga oo lasii hadlaya Nimanka Loolanka adag ugu jira in ay Majaraha Mar uun u qabtaan Kulmiye ayaa waxa uu yidhi.”Loolanku waa Xaq Loomana Diidana Sidaas ayuunbaa Ninka Sax Ah lagu helaa,Mana Diidani Anigu in Ay loolamaan Iyagu,Aakhirkana Nin uunbaa Ka soo dhex Bixi Kaasna waanu ugu Ducayn.”
Geesta kale Salaabeen Maxamuud Aadan ayaa ka dhawaajiyay Sababta Keentay in Odayaal Dadoodu wayn tahay ay xilalkii dhalinyarada hayaan iyo sababta keentay isaga Siilaanyo iyo Cirro xilalka ay Hayaan Dhalinyarta ugu Banayn Wayeen ayaa waxa uu yidhi.
“Dhalinyaradu Marka Ay diyaar Noqdaan Kursiga Lays Kagama Kacee way ka Riixdaan,Markaas marka ay Naga Riixdaan wuu banaanaan Doonaan oo waa la Sugi doonaa Marka ay naga Riixdaan.ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.
Dhinaca kale waxa uu ka gaabsaday inuu wax faah-faahina ka bixiyo Wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera oo Xukuumadu Doonayso in ay Shirkado Gaar ah ku wareejiso in ay Sharci tahay iyo inaanay Ahayn Taas oo uu dhagaha Ka furaystay inuu Jawaabteeda Shacabka u Bayaamiyo.
“Waxba Arintaas ka odhan mayo adeer waxa ay u talaa Xukuumada Iyada Ayaana ku shuqul Leh,iyada waydiiya.ayuu yidhi Saleebaan
Xogsoormedia.com