Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Boqor Cismaaan Aw Muxumed (Buur-madaw),ayaa markii ugu horraysay Caddeeyay in aanu Madaxweynaha Somaliland isu soo sharaxayn doorashooyinka soo socda ee Somaliland kursiga Madaxweynenimo ee uu hadda ku fadhiyo isla markaana Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,ayuu Boqorku farriin u diray uu ugu sheegay in aan looga fadhiyin hadal iyo dhaleecayn.
Boqor Buur-madaw sheegay in aanu Murashax ahayn Madaxwaynaha JSL Mud. Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) islamarkaana uu shaacin doono wiigag kadib, waa sida uu sheegay Boqorkuye, waxa uu intaasi raaciyay in Madaxwayne Siilaanyo lexejeclo wayani ka hayso xisbigiisa isla markaana uu dhabarka soo taaban doono cidda ay markaasi u muuqato in uu Xisbiga ku aaminaayo.
Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-madaw) Waxa uu dhaliilay hanaanka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI isaga oo ugu baaqay in ay joojiyaan dhaliil uu sheegay in aanay macane buuran ku fadhiyin, isla markaana ay bulshadda Somaliland soo hordhigaan Barmaamij Siyaasadeed oo umadda u cuntama oo ay bulshadda reer Somaliland ku hanan karayaan, ugu horayntiina isga oo ka hadlaya arinta Xisbi Mucaaridka WADANI waxa ka mid ahaa hadaladiisii “ Wadani dhaleeceayn loogama baahna iyo dawlad baa waxaas tidhiye waxaa la idiinka baahan yahay dadka wixii lagu kasban lahaa baa loga fadhiyaa saaka halkaas bay taagantahay, barmaamijyo inaysoo badhigaan baa loga fadhiya” ayuu yidhi Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-madaw) oo ka mida Madaxadda dhaqanka ee Jamahuuriyadda Somaliland, waxa uu isaga oo hadalkiisa sii wata ka hadlay shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo shirawaynihiisa loo muddeeyay in uu qabsoomo 11-ka Bisha 11-aad ee sanadkan 2015-ka, waxana uu goob fagaare ah oo uu boqorku hadal ka jeedinaayay ka sheegay in uu Madaxwayne Siilaanyo wiigag kadib shaacin doono inaanu xisbiga murashax Madaxwayne ka ahayn, waxanu yidhi Boqorku isaga oo arintaasi ka hadlaaya”Maanta (maalin af-raad) way mudeeyeen markii shirwayanaha ay qabsanaayeen, Odaygiina waliba murashax maaha isna wiigag dabadii inuu iclaamin doono inaanu Xisbiga murashax ka ahayan,Kolay laakiin waxa ay ila tahay in uu meel ku hubsan doono oo cid uun uu dhabarka soo taaban doono” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Boqor Buurmadaw.
Adalka Boqor Cisamaan Aw Muxumed Buurmadaw, uu ku sheegay markale inaanu murashax ahayan Madaxwayne Siilaanyo, ayaa ku soo beegmaysa xili uu dib ubilaamay loolankii murashaxnimo ee xisbiga kaas oo ay ku loolamayaan Siyaasiyiinta Beesha Galbeedka iyo Waqooyiga Harageysa, habeenimadii ADAXDII ee isla wiigan ayay ahayd markii Salaadiinta waxagaradka iyo xubnaha Golaha Wasiiradda Ugu jira Beesha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa ay kulan kula qateen Madaxwayne Siilaanyo Aqalka Madaxtooyadda kaas oo ay labada dhinaca kaga wada hadleen aayaha danbe ee Xisbiga KULMIYE iyo sidiiloga hortagi lahaa Xagal daac ku yimaada inta lagu jiro loolanka murashaxnimo ee Xisbigaasi.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland