Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Guddoomiye ku-xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusud Caliguray,ayaa ku ammaanay kooxda Fannaaniinta Xidiga Geeska socdaalka ay ku marayaan dalalka Bariga Afrika iyo ka hadda ay ku joogaan Xarunta dalka Soomaaliya ee Muqdisho oo uu sheegay in uu yahay mid kor u qaaday magaca Fanka ee Somaliland isla markaana ku tilmaamay in ay dib u soo nooleeyeeh hoggaamintii faneed ee waayo waayo lagu yaqaanay Hargeysa.
Waxaanu socdaalka kooxda Fanka ee Xidigaha Geeska waxaa uu ku macneeyay guul faneed oo u soo hoyatay Somaliland iyo hannaan Faneedkii taariikhiga ahaaee Somaliland oo ay kooxda Fannaaniinta Xidiga geesku soo nooleeyeen isla markaana ay buuxiyeen kaalintii waayo waayo ee WALAALAHA Hargeysa.
Qoraal kooban oo uu arrintaa kaga hadlay oo uu ku baahiyay bartiisa FB-ga ayaa u dhignaa sidan. “
“Fanka iyo suugaantu xuduud ma laha Hadii ay Maraykanka tagaan ama laga Casumo oo Calanka maraykanka huwadaan macnuhu maaha Maraykan bay noqdeen.
Xidigaha geesku hadii ay noqdeen horyaalka kooxaha fanka Soomaaliyeed, Somaliland ma ceeb bay ku tahay mise waa siday ahaan jirtay oo weli kaalintii hal abuurka Soomaaliyeed REER Somaliland baa ku jirta.
Xidigaha Geesku waxay xejiyeen kaalintii hormoodnimada ee fanka iyo suugaanta ee WALAALAHA HARGEYSA oo caan ahaa dabayaaqadii
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland