Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xildhibaan ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ee ka tirsan Xisbi Xaakimka Talada Haya ee KULMIYE ,ayaa sheegay in uu dhex dhexaadinayo oo uu gogol nabadeed u fidinayo musharixiinta Xisbiga KULMIYE ee u loolamaya in ay hantaan musharaxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE uga tartamaya doorashooyinka soo socda haddii uu Madaxweyme Siilaanyo ka tanaasulo tartanka doorashada.
Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka mida Xildhibaanada Muxaafidka ah ee Golaha Wakiillada Somaliland lagana soo doortay gobolka Maroodijeex ayaa markii ugu horaysay ka hadlay tartanka iyo loolanka musharaxnimo ee dhex miranaya siyaasiyiinta Ood-wadaagta ah ee Guddomiye Muuse biixi ,Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaale Iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis ee ku wajahan Musharax Madaxwayne ee Kulmiye waxanu shaaciyay inuu u tartamayo jagada hirdanka dhalisay ee Musharaxa Madaxwaynha ee xisbiga kulmiye hadii laga soo bixi waayo shuruudo uu sheegay .
Ugu horayn Xildhibaanka ayaa sheegay inuu martqaad ku qaabilayo saddexa masuul ee guclaha ugu jira hanashada musharaxa kulmiye waxanu yidhi “Waxan halkan baaq uga dirayaa saddexda nin ee Muuse ,Samaale ,Iyo Maxamed biixi ,waxaanan leeyahay beel baad ka soo jeedaan beeshaasna lama rabo inay kala jabto ,markaas waxan idiin soo jedinayaa laba qodob ,qodobka koowaad inaad saddexdiinuba isku tagtaan oo aad nin u wada daysataan (Musharaxnimada Kulmiye) ,hadii aad taa diidaan anigu (Xil.xasan cawaale) anaa idin marti qaadayaa waxaana hayaa dariiqii ugu wanaagsanaa ee laydinku kala saarayey saddexdiina midna ma diidi karo dariiqaa aan soo jeediyo Beeshu way ka saraysaa diin-muqraadiyada oo wada hadal ayay wax ku dhamaysataa ”.
Xildhibaan Xasan Cawaale ayaa sheegay in hadii la raaci waayo qorsha hiisaa uu ku biiri doono raga ku hiradamaya musharaxnimada Madaxwayne ee Kulmiye waxanu yidhi” Hadii aad diidaan qorshahaas aan soo bandhigay shan cisho ayaan idiin qabanayaa waxanan ahay musharax u taagan jagada Madaxwayne nimo ee xisbiga Kulmiye ”.
Murashaxnimadan uu Sheegay Xildhibaan xasan cawaale ee ugu Tartamaayo jagadda Madaxwayne nimo ee Xisbiga Kulmiye hadii ay Murashiixnta Sadexda ah ee Beeshiisu ku heshiin wayaan sida uu sheegay, waxaanu noqonayaa Xildhibaankii Labaad ee Goaha Wakiiladda ugu jira Xisbiga KULMIYE ee Shaaciya in uu murashax yahay.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland