Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Oo Hanjabaad Kaga Jawaabcelisay Go,aankii Guddoomiye Jawaari

0
472

Muqdisho(Xogsoormedia.com):- Xildhibaanad Foosiya Yuusuf X. Aadan oo ka mid ah Xildhibaannadii Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya,ayaa hanjabaad kaga jawaab celisay go,aankii guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Cismaan Jawaari go,aankii uu ku sheegay in la laalay mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya.

Marwo Foosiya  ayaa sheegtay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari in aanu awood u  lahayn gudoomiye Maxkamadeed in uu meesha ka saaro mooshin ay soo gudbiyeen mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya isla makaana aanu go,aan ka gaadhi Karin.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

 “Guddoonka Baarlamaanku ma laali karaan Mooshinka 93-Xildhibaan ayaa soo gudbiyeen, xildhibaanada sheegay waan ka laabanay Mooshinka waa kuwo iska hadlay, balse waxaan leennahay Guddoomiyaha Baarlamaanka awood uma laha in uu laalo Mooshinka, waayo isagu xaakim ma aha, waxaa leh taas Maxkamada ama haddii ay jirto Maxkamad dastuuri ah, isaga waa inuu gudbiyo oo kaliya, isaga waxaan ka yeelnay si aanu waddanku khal-khal u gelin Wadahadal in la galo, Laakiinse ma ahayn inuu wax laalo ama diido ama wax la mid ah sameeyo,” ayay tidhi Xildhibaan Foosiyo Yuusuf  oo la hadlaysay Warbaahinta.

Waxaanay intaa ku dartay iyadoo hadalkeeda sii wadata. “Laba Xildhibaan ayaa sheegay inay ka laabteen Mooshinka oo been abuur lagu sameeyay saxiixooda, Laakiinse waxaa yaalla Caddeymo ah inay qayb iyagu ka yihiin Xildhibaanada keenay Mooshinkan, Waana Qorshe la doonayo in Mooshinka lagu sii Fogeeyo,” ayay mar kale tiri Xildhibaanad Fowsiyo Yuusuf.

Waxay ka hadashay wada hadalka iyo sida ay u aragto “Wada hadalka annaga ayaaba Ogolaannay, Madaxweyne Xasanna isaga ayaaba Codsaday, waxa laga hadlayo waxay ahaayeen qaladaadka aan sheegnay in lagu saxo si wadahadal ah, qaarkood waa la saxay oo waan aragnay, marka baarlamaanku waa sharci ilaaliyaha, haddii aan wixii khalad ah ee jira aanan ka hadal waxaan ahaanaynaa calooshood u shaqeystayaal meel fadhiya,”

Ugu dambeyn, Xildhibaan Foosiya  Yuusuf  Waxay Xustay in wixii maanta ka dambeeya aysan jiri doonin cid uu la Xisaabtami karo Baarlamaanka, Sababtuna waxay ku sheegtay in Guddoomiye Jawaari uu ku xad-gudbay sharcigii.

“Maanta kaddib Madaxweyne, Ra’iisul Wasaare ama Cid Dalka Dambi ka gashay Sharciga laguma qaadi karo, Sharcigii ummadda Soomaaliyeed waa la dumiyay, Baarlamaan dambe cidi wax ma weydiinayso, Jawaarina sidaas ayuu ku taliyay,” ayay hadalkeeda kusoo xirtay Xildhibaanad Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.coma

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here