Siyaasi Dawladda Ku Dhaliilay Wax Kabasho La’aanta Boqor Buurmadaw iyo Xadhiga Boqor Raabbi

0
375

Hargeysa(Xogsoormedia.com)-Siyaasiga Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare ayaa,saluugey sababta ay Xukuumaddu tallaabo uga qaadi wayday Bqor Cismaan Buurmadaw oo uu sheegay in uu bulshada Somaliland oo dhan ka dhex wado colaad iyo dab hurin,halka ay Xukuumaddu xidhay Boqor Raabbi oo ka hadlay Banka Qoolcaday.

Siyaasiga Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare oo ka hadlaya talaabada laga qaadey Boqor Raabi iyo sida looga aamusey hadalada hor socda rabshadaha iyo Mushkilada ee Boqor Buur-madow waxa uu yidhi.

gadh.jpg

“Waxaan la yaabanahay waxa Boqor Raabi oo Banka Qoolcaday oo keliya dagaal ka aloosayay uu ku xidhan yahay ee Boqor Buur Madaw oo Hargeysa doonaya in uu dab geliyo uu dibbada u joogo,oo aan wali Xukuumadu talaabadii kaga habooneyd xaalad abuurkiisa wax dareen ah ka bixinin iyadoo aynu wada arkeyno sida qaawan ee uu bulshada ukalaqeybinayo sida qaawan ee uu beelaha afka ugu weerarayo sida qaawan ee uu Madaxweynihii dalka isku xigsiinayo sida qaawan ee uu Dowlada uga sheeganayo Somalilandta kale,xiqdiga iyo buqdiga kasoo burqanaya ee aan talaabadii ku habooneyd marna Xukuumada laga maqleyn ama aan laga arkeyn”.Ayuu yidhi Maxamed Gadhyare.

Waxaanu intaa ku darey isagoo hadalkiisa sii wata.

“Ninka leh 24kii saacadood way idinka dhamaadeen ee maxaa wax u samayn la,diin ma caqliga bulshada Somaliland ayuu caayayaa,muxuu la hadhey muxuu doonayaa in la sameeyo, tolow maxaa ugu jira isaga, Waxa fiican in marka aad bulshada masuuliyad u hayso in aad hadalada qaarkood kala xishooto, Hadii Suldaan Xasan yidhi eray aan haboonayn ma aha in kicin iyo abaabul aan meesha leekayn la alooso, oo Buur-madow Gambadh ugu soo fadhiisto Bulshadana naxli kala dhex galiyo”.

“Waxay aniga ila tahay In Madax dhaqameedku aanay iyagu karaamada iska qaadin oo iyaga oo helikaraya in ay cabashadooda si salmi ah wada hadal kula xaajoodaan cidii ay ka cabanayaan oo si wada jir ah xal u raadiyaan,Mase qurux badna in ay iyagu mushkilad hor leh abuuraan,oo Dowladu laf ahaanteedu kala xigteysato qaarna aaney hadalkooda Mushkilada iyo dhibaatada horsocda waxba kasoo qaadin kuwa kalena dhibsato waxase fiican oo dowladnimadu kujirtaa in ay dariiq wada mariso oo talaabo isku mid ah ka qaado sidaasaa danta Shacabka midnimadooda iyo masalaxada umada Reer Somaliland kujirtaa”.Ayuu hadalkiisa Kusoo gunaanadey Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here