Sheekh Aadan Siiro oo Shaaciyey Qorshe Kor Loogu Qaadayo Wax Soo Saarka Dalk

0
387

Hargeysa(Xogsoormedia.com)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland, ayaa shaaciyey qorsheyaal ay bilaabayaan oo faa’iido ugu fadhiya bulshada.

Sheekh Aadan Siiro oo khudbad ka jeediyey garoonka Xawaadle ee xaafadda 26-ka June ee magaalada Hargeysa munaasibadii ciidda ee shalay, waxa uu tilmaamay inay bilaabayaan mashruuc la doonayo in lagu taageero ummadda iyo qoysaska danyarta reer Somaliland, shaqo-abuurna loogu sameeyo dhallinyaro badan oo aqoonyahan ah.

siiro

“Caasimadda Hargeysa waxa ku nool dadweyne lagu qiyaasay hal milyan iyo laba boqol oo kun oo qof; haddii aan kala badh soo qaato oo ah lix boqol oo kun oo ruux (600,000) oo qof walba bixiyo lacag dhan kun shillinka Somaliland ah (1,000 SLSH) bil kasta, waxa soo xeroonaysa lacag gaadhaysa lix boqol oo milyan (600,000,000 SLSH) bishiiba, waana lacag ku dhaw ilaa 80 kun oo doollar ($80,000).

Warshadda yar ee tamaandhada qasaacadaysa qiimaheedu waa $57 kun oo doollar (57,000 doollar) oo qudha, waxaana ku noolaanaya in ka badan 400 qoys. Ilaahay ha idin barakeeyee taageeraa mashruucaas kunka shillin ah oo uu awoodayo in ilmaha yar ee madarasadda dhigtaa bixiyo. Islaamku wuu la dagaallamay faqriga, ilaa uu gaadhsiiyey in la waayo qof muslim ah oo dadka wax weydiisanaya,” ayuu yidhi Sheekhu.

Waxa kaloo uu soo jeediyey in si adag looga hawlgalo hirgelinta mashruucaas oo uu xusay inay dhallinyaro badan oo wax bartay shaqo-abuur ka helayaan, ujeeddadiisuna tahay mid loogu gargaarayo dadka jilicsan ee reer Somaliland.

Sidoo kale, waxa uu inay bilaabayaan mashruuc lagula dagaallamayo guurka qaaliga ah ee Hargeysa waqtigan, isla markaana wiilka iyo gabadha heshiiya la isugu meherin doono masaajidka Xawaadle maalin kasta oo Jimce ah, isagoo xusay in qoyska la isku meheriyo oo aan wax kharash ah ka bixin loogu shaqayn doono mutadawacnimo ah habeenka aqal-galkooda, iyadoo dadka masaajidka ku xidhan qof walba keeni doono baabuur lagu gelbiyo qoyskaas.

“Buubuurta badan ee Hargeysa habeen oo dhan wareegaya waxa loo samaystay hablaheenna quruxda badan ee aynu dhalnay, kuna soo tabacnay, waana in aynnu keenno arrin aynu ku nabadgelinno hablaheenna, waana in la keenno arrin aynnu ku gargaarayno inanka dhallinyarada ah ee wanaagsan ee doonaya inuu xalaal miirto, doonaya inuu guursado, tallaabooyinka taas lagu fulinayo waxa ka mid ah in aannu ka bilawnay masaajidka Xawaadle in Jimacaha loo meheriyo inanka doonaya inuu helo guur xallaal ah oo billaa lacag ah, inankaasina marka hore wuxuu la heshiinayaa inanta oo marka ay aqbasho ay tahay inuu u tago waalidkiisa, marka waalidkiisu ka raali noqdana waa inuu yimaad masaajidka maalinta Jimcaha, halkaas ayaana loogu meherinayaa, looguna ducaynayaa masaajidka oo ay joogaan ilaa 5 kun oo qof, waxaanan ugu talogalnay in aannu la dagaalano macsiyada, maadaama habluhu 65% ay marayaan Somaliland,” ayuu yidhi, isagoo tibaaxay in aan loo baahnayn in guurka lagu kharashgareeyo lacag ku dhaw ilaa $10 kun oo doollar, iyadoo lammaanaha cusub aanay haysan guri ay galaan, loona baahan sidii lacagta arooska ku baxay loogu samayn lahaa hanti kale oo mustaqbalkooda anfacda.

Waxa kaloo uu ugu baaqay waalidiinta in aanay hablaha yaryar ee da’doodu ka weyn tahay shan sanno jir suuqa lagu sii dayn iyagoo timaho qaawan, quruxda habluhuna ku jirto dhaqanka iyo akhlaaqdooda oo la ilaaliyo, laguna barbaariyo diinta iyo asturnaanta islaamku muslimiinta u jideeyey.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here