Dhimashada Xujaajta Oo Sii Kordhaysa iyo Tirada Soomaalida Ku Geeriyootay Ee La Xaqiijiyay

0
379

Maka(Xogsoormedia.com):-Tirada dadka Xulayda ah eek u dhintay mashqadii Xakja ka dhacday ayaa wali sii kordhaysa iyadoo dawladda Waddanka Sucuudiguna iska fogaysay eedaymo loo soo jeediyay. masuuliyadda mashaqada shalay ka dhacday Mina oo sababtay dhimashada inka badan 700 oo xaaji iyo dhXajka_Dhimashada_Somalia_660aawaca inka badan 860 xaaji.

Wasiirka Caafimaadka Sucuudiga ayaa bayaan uu soo saaray Jimcaha maanta waxa uu ku sheegay in qaar ka mid ah dadka xajayay ku fashilmeen inay raacaan tilmaamihii la siiyay “ Baadhista dhacdadii Is-cidhiidhiga ee Mina ka dhacday ayaa la dedejinayaa, waana lagu dhawaaqi doonaa sida wax u dhaceen. Waxaa laga yaabaa inay sababtay dhacdadaasi Xujaajka oo qaarkood iska socdeen iyagoon raacin tilmaamihii masuuliyiinta ku shaqada lihi siiyeen,” ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka Khaalif Al-falix.

Boqorka Sucuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis Al-Sacuudi, ayaa amray in dib u eegis balaadhan lagu sameeyo qorsheyaasha ama siyaasaddaha Xajka ee wakhtigan kadib masiibadii ka dhacday shalay Mina “Waa dhacdo masiibo ah, waxaanuna ku amarnay hay’addaha ay khusayso inay sameeyaan baadhitaan degdeg ah oo ay nala wadaagaan natiijada u soo baxda sida ugu dhakhsaha badan. Dhacdadani hoos uma dhigayso muhiimadda ay Ciidamadu u leeyihiin acmaasha xajka, si kasta oo ay ahaato natiijada baadhista ka soo baxda, waxaanu sii wadaynaa inaanu wanaajinno qaababka loo guto xajka. Waxaanu amarnay hay’addaha xajka ku shaqada leh inay dib u eegis ku sameeyaan siyaasaddaha hadda u degsan xajka iyo sida look ala qaybsado masuuliyaddaha,” ayuu yidhi Boqorka Sucuudigu.

Axmed Aadan Digaal (Ahmed Safiina) oo arrimaha Xajka u qaabilsan Somaliland oo ku sugan xajka ayaa VOA u sheegay in la xaqiijiyey in toddobo Soomaali ah oo afar ka mid ah Kenya ka yimaadeen ay ku dhinteen halkan saddexda kalana ka yimaadeen Soomaaliya, balse sheegay in tirada dhimashada ee xujeyda ku dhimatay is-buurashadii shalay dhacay ee Soomaalida ah ay ka badan karto inta hadda la ogyahay.

Axmed Safiina ayaa sheegay in weli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu oggaado tirada rasmi ah ee xujeyda ku geeriyooday shilkii shalay xajka ka dhacay.

 Wararka hordhaca ah ee ka soo baxaya dadka shalay ku dhintay Mina ayaa sheegaya in dad badan dhalashadoodu ka soo jeedo waddamada Indonesia, Niger,Chad, India, Pakistan iyo Iran iyo waliba qaar ka tagay waddamada bariga Africa(Dhulka Soomaalida iyo Kenya).

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here