Xisbiga Kulmiye Muxaafidka Ah Ee KULMIYE Oo Ku Dhawaaqay Xiliga Uu Qabsoomaayo Shirka Golaha Dhexe Ee Kulmiye

0
406

Xubnaha ugu sareeya xisbiga KULMIYE oo maanta shirjaraa,idku qabtay xarunta Madaxtooyada ayaa shaaca ka qaaday xiliga uu qabsoomaayo shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye iyo cida noqonaysa musharaxa Madaxweynenimo ee xisbiga Kulmiye uu yahay Madaxweynaha imika jagada Madaxtinimad haya ee Axmed Maxamad Maxamuud (Siilaanyo)

Sidaasna waxa sheegay oo ku dhawaaqay Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE mudane Muuse Biixi Cabdi isago arintaas ka hadlaayana waxa uu gudoomiyuhu hadalkiisa ku bilaabay sidan  “Wax a ilaahay mahadiiya in maanta xisbiga kulmiye isla qaatay mudayntii qabsoomida shirkii golaha dhexe.   xisbiga KULMIYE waxa uu dheer yahay xisbiyada kale, waa xisbi leh musdambeed arimuhu markay adakaadaan talo iyo tilmaamba ugu noqdo,  aasaasihiii xisbiga oo hadda ah madax waynaha dalka  tilmaam tiisa iyo taladiisa ayuu kulmiye

calanka kulmiye

badankaga badbaadaa dhibaatooyinka soo wajaha.

 Hadaba, markii aanu xisbi ahaan isla eegnay waqtiga ugu haboon ee shirku qabsoomi karo, waxaanu isla garanay in shirka golaha dhexe ee xisbigu qabsoomo 10 ka November 2015.  Sidaa darteed dhamaan golaha dhexe ee xisbiga waxaa laga codsanaynaa in ay u diyaar garoobaan shirka.”

Sido kale gudoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in musharaxa Madaxweynenimo ee xisbiga KULMIYE yahay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamad Maxamuud Siilaanyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here