Laascaanood: Askar La Baxsatay Maxaabiis Ay Isku Beelyihiin iyo Taliyaha Ciidanka Asluunta Somaliland Oo Ka Hadlay

0
344

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Askar ka tirsan ciidanka Asluubta Somaliland ee Xabsiga magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool,ayaa jeelkii ay ilaalinayeen xalay kala baxsaday maxaabiis ay isku beel yihiin oo u xidhnaa shaqaaqo hore uga dhacday Tuulada Guumays oo sababtay dhimasho iyo Dhaawac.

Taliyaha Ciidanka Asluunta Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Cismaan (Xudhuun),ayaa sheegay in askartii xalay shaaqada ku jirtay in ay gacan siiyeen oo ay caawiyeen sadex nin oo u xidhnaa shaqaaqo ka dhimasho sababtay oo ka dhacday tuulada Guumays. Waxaanu intaa ku daray in saacad iyo badh ka dibna ay baxsadeen 13 kale oo ka mid ah maxaabiistii jeelka ku jirtay ka dib marki la is yidhi trada ku jirta jeelka ogaada ee dibada looga soo saaray qolalkii ay ku xidhnaayeen.halka uu mid ka mid ah Maxaabiista Baxsnaysayna uu halkaa ku dhintay ka dib markii ay ku dhacday xabad ay ciidankii Maxaabiista dambe ka baxsatay ay rideen iyadoo ay dhaawacyana soo gaadheen xubno ka tirsan ciidanka Asluubta ee Jeelka joogay.

maxaabiis

Waxaanu Taliyuhu intaa ku daray in ay baxsadeen askartii xalay shaqada haysay ee maxaabiista sii daysay oo uu sheegay in ay tahay arrin qabiil oo askarta iyo maxaabiista ay sii daayeenba ay isku reer yihiin.

Ugu dambayn Taliye Xudhuun waxaa uu intaa raaciyay in imika Xabsiga wayn ee magaalada Laascaanoood ay gacanta ku hayaan Ciidanka Qaranka iyo Booliska eek u sugan magaalada Laascaanood,maxaabiistii iyo askarta wada baxsatayna la sheegay in ay tageen deegaanka Saaxdheer,waxaanu taliyuhu intaa raaciyay in ay hadda baadhinaan dhab ah ku soo samaynayaan isla markaana ay wax ka qabanayaan jeelka Laascaanood-na ay geyn doonaan ciidan kale oo aan ahayn kii hore uga hawl gali jiray.

 Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here