Gudida Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Wakiiladda Oo Eedeeyay Golaha Deegaanka Boorama

0
331

Boorame (Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha gudida ilaalinta iyo dabogalka hantida qaranka ee golaha wakiilada Maxamed Cali Xirsi,ayaa golaha deegaanka ee degmada Boorama waxaa uu ku eedeeyay in ay ku fashilmeen shaqadii loo doortay isla markaana ay janiyeen xeerka lamabr 20 ee dalka u yaalla.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay Golaha deegaanka degmada Boorama in aanay yeelanin fadhiyada golaha deegaanka ee sharciga ah isla markaana ay isu yimaadaan oo kaliya afar maalmood.

xil,obama

Maxamed Cali Xirsi oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “golaha deegaanka ee magaalada Boorama wuu hooseeyaa oo kuma dhaqmo xeerka 20 ee wadanka u yaala kumana dhaqmo.

Golaha deegaanak ee Boorama afar cisho oo kaliya ayay isku yimaadaan halka ay iskaga iman lahaayeen 240 cisho.”

Xildhibaanku waxa kale oo uu intaa ku daray “Shaqadii loo doortay ma qabtaan xeerku waxa uu odhanayaa haddii 240 cisho ay fadhiisan waayaan golaha deegaanku sanadkii waa in la kala dareeriyo. Laakiin kuma dhaqmaan golaha deegaanka Boorama.”

Maxamed Cali Xirsi waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay socdaalka ay ku tageen magaalada Boorama waxaana uu yidhi  “waxa ay tahay in aanu hubino waxan yar ee qarankani haysto ee taladeeda aynu wada leenahay, 9 milyan oo Somaliland ka yimaada shacabka. Lacagtaasi magaalada dib ma ugu noqotaa mise ugama noqoto ta aanu u soconaa waataa.”

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here