Hargeysa(Xogsoormedia.com): – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa digreeto uu soo saaray wuxuu isku bedel iyo magacaabis ku sameeyay agaasimeyaasha guud ee qaar ka mid ah wasaaradda dawladda.
Warsaxaafadeedka Madaxweynaha ayaa u dhigan sidan:_
madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3606/092015 isku bedel iyo magacaabid uu ku sameeyey qaar ka mida Agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha Jamhuuriyada Somaliland.
madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo in isku beddel iyo magacaabid lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Isku bedelka
Wuxuu go’aansaday in laga bilaabo taariikhda Xeerkan
In Mudane, Abiib Axmed Cali, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Waxbarashada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
In Mudane, Yuusuf Axmed Cali, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
In Mudane, Maxamed Xasan Ibraahin, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
In Mudane, Saleebaan Jaamac Diiriye, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Magacaabida
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Muxumed (Abdeeq), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Dhuxul
Afhayeenka Madaxtooyada JSL
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland