Madaxweynaha Soomaaliya Oo Sheegay Wada Hadalka Ay Somaliland Wada Leeyihiin In Uu Waji Cusub Yeelanayo

0
340

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa sheegay In Wada hadalkii u socday Somaliland iyo Soomaaliya in ay waji cusub yeelanayaan isla markaana ay dib u bilaabmayaan.

Madaxweynaha xukumadda Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dooday in mabda ahaan wada xaajoodka Muqdisho uga socday maaluladda Soomaaliya, in lagu guulaystay isla markaana isla markaana is afgarad laga gaadhay hannaanka dawladda Soomaaliya u qabanayso doorashooyinka kal dambe.

Xasan_Sheekh_Somalia_660

Wada hadal ku saabsan sidii Soomaaliya loogu samayn lahaa nooc doorasho oo la isku raacsan yahay badhtamaha 2016 ayaa ka bilawday Muqdisho, kadib markii xukumadda Muqdisho ku fashilantay hiigsigii afarta sanno socday ee ahaa in la helo doorasho shacabka guud ahaan ka qayb qaato oo qof iyo hal cod ah.

“Wadatashiga billowday waan u dhannahay waana wax ay Soomaalidu leedahay, Dabcan Walaalaheen Somaliland mabda’a ahaan waa ka mid howshan. Hadba, wixii fursad ah ee aan u helno iyo sidii duruufuhu noogu ogolaadaana ayay uga mid noqonayaan oo aanu kula shaqayn, iyo sidii ay noogo aq-bali lahayeen ka qayb-qaada-shadooda,” ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa soo hadal Qaaday Wahadalladii horay ugu dhexeeyay Somaliland iyo Somalia wuxuuna xusay in meel fiican ay marayaan, isla markaana hada loo gudbayo waji cusub “Meel wanaagsan ayay marayaan wadahadalladii hadda ayay waji cusub u gudbi doonaan, rajada arrintaasina aad iyo aad ayay u fiican tahay, balse wadahadalka hadda socda mar walba waxaan diyaar u nahay in aan kawada shaqeyno wixii Shacabka Soomaalida dan u ah,” ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hanan kari waayay Maamul beeleedyada Soomaaliya laga hir galiyay ayaa ku dooday in ay Somaliland wada hadalkii u socday in uu meel fiican u marayo isla markaaana ay waji cusub u bilaabayaan isla markaana dariiq uu ku sheeay in ay ku doonayaan midnimada wax uu ugu yeeshay Soomaali wayn ay ka wada hadlayaan hir galinteeda.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here