Somaliland iyo Itoobiya Oo Kala Saxeexday Heshiis Lid Ku Ah Cadawga Labada Dal

0
329

Diri-dhaba(Xogsoormedia.com):-Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya,ayaa kala saxeexday heshiis lid ku ah cadawga labada dal iska markaana Somaliland iyo Itoobiya ay ku xoojinayaan xidhiidhkooda iyo adkaynta nabad gelyada dalalka Somaliland iyo Itoobiya.

Shir heerkiisu sarreeyo oo ay Somaliland iyo Itoobiya ku yeesheen Magaalada Diridhaba oo ay ka soo qayb galeen Mas’uuliyiinta ugu sarraysa Xukuumada Dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ugu horreeyo Madaxwayne Cabdi Maxamed Cumar, Birhane Gebre Kristos-Wasiiru dawlaha Wasaarada Arimaha Dibada ee JDFI, hay’addaha Amniga ee heer deegaan iyo heer fedderaal, 9-ka Guddoomiye gobol ee deegaanka, Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland iyo 8-da Badhasaab ayaa maanta galinkii danbe ka furmay hoolka shirarka ee Ras hutel oo ku yaala magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya.

Diridhaba

Qaraarkan oo salka ku hayey xoojinta Ammaanka ee Xuduuda labada dal, waxaanna heshiiskan dhinaca Somaliland u saxiixay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, halka uu Itoobiyanna u saxiixay hogaanka Nabad-gelyada iyo Caddaalada ee dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya Yaasiin Cabdi Warris.

Heshiiskaas labada dawladdood kadib, waxa halkaas ka hadlay Madaxweynaha Dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya Md Cabdi Maxamuud Cumar, waxaannu yidhi “Heshiiskani waxa uu wax ka tarri doonnaa dadka walaalaha ah ee isku dhaqanka ah, ee isku Diinta ah, ee ilaa intii Dunnidani jirtay-ba Walaalaha soo ahaa, maantanna ah, berrina ahaan doonna, inay dantoodda ka wada shaqeeyaanna isku qasban, markaa waxaan leeyahay Heshiiskani waxa uu si fiican wax uga tari doonnaa inaan Cadowga Itoobiya aannu joogin Somaliland, Cadowga Somaliland-nna aannu joogin dalka Itoobiya.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Dawladda deegaanka soomaalida Itoobiya Md Cabdi Maxamuud Cumar

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Warancadde, waxaannu yidhi “Runtii maanta waxa innoo bilaabmay heshiis cusub oo iskaashi oo wada shaqayneed oo waxtar wayn u ah dawladdaha labada Wadan iyo shucuubta labada wadan-ba, waxaannu qabnaa inay wax wayn ka tari doonnaan, guddiyada aynnu saarnaynna ay shaqo maalmeed qaban doonnaan, waxkastoo dhibaato ahinna ay guddiyaddaasi ka wada shaqayn doonnaan, wixii ku adkaaddana ay Madaxda sarre u soo celin doonnaan, laakiin aan ku han waynahay in Badhasaabbada iyo ragga loo Xil-saaray ay ka wada shaqayn doonnaan.” Ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Warancadde

Heshiiska ay kala saxeexdeenn Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhabbaha u xaadhaya in ay Somaliland ka nasato dhankeeda kooxo dagaal oogeyaal ah oo ku dhuumaalaysta xuduudka ay gobolka Awdal ka wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya oo uu koox dagaal dhuumaalaysi ah halkaa kaga bilawday Somaliland uu ku aasaasay Suldaan Abuubakar Wabar iyo koox kale oo la baxday Khaatumo State oo uu hoggaamiye u yahay Prof: Cali Khaliif Galaydh oo ku sugan degmo xuduudeedka Balli-cad oo ka tirsan Gobolka Sool iska markaana ku taalla soohdinta ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya..

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here