Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiiladda ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI horena uga tirsanaan jiray Xisbi Xaakimka talada dalka haya ee KULMIYE ,ayaa farriin u diray saaxiibkiisii hore ee ay inta badan dhan u wada jeedeen soona wada mareen mucaaridnimo isla markaana nasiibku ku wada simay KULMIYE oo hantay hoggaanka dalka laakiin ay dhanka fikirka iyo siyaasadda imika ku kala aragti duwanaadeen oo ay kala noqdeen KULMIYE iyo WADDANI.
Xildhibaan Siciid oo la hadlayay Guddoomiyaha Xisbi Xaakimka talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi,ayaa sheegay in Muuse aamusnaantiisu in ay tahay wax lala yaabo marka uu ka hadli waayay arrinta Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera,xadhiga Salaadiintiisa iyo arrimo badan oo uu xildhibaanku sheegay in ay dalka ka taagan yihiin.
Waxaanu intaa raaciyay in Muuse Biixi ay isu raaci doonto Magac xumo iyo kursi la.aan.
“Waxaad I xasuusiseen Mujaahid Muuse Biixi, ninkii aanu saaxiibka ahayn ee salla calee aan muddada dheer tuurta ku siday. Muusow haddaad tidhaahid ka hadli maayo Berbera, ka hadli maayo Hargeysa, ka hadli maayo Salaadiintaydii, ka hadli maayo waxa waddanka ka dhacaya, ka hadli maayo gurigaaga waxa lagu samaynayo, kursina waan rabaa Muusow iskuma helaysid labadaas,” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa intaasi raaciyay “Illaahay baa kursiga bixiya ee Siilaanyo ma bixiyo kursiga, waxaad ogayd wixii shalay raggaagii ku dhacay, mid mid baa qoorta loo qabtay, habeenna kamaad hadal, abtiyaashaa baad ogayd wixii ku dhacay kamaad hadal, salla calee, Muusow anigu waxaan u malaynayaa magac xumo iyo kursi la’aani inay ku wada qabsan doonto,” ayuu yidhi XIldhibaanku.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland