Kenya Oo Gabi Ahaanba Xidhay Dugsiyada Waxbarashada Dalkeeda iyo Fursadda Al-Shabaab Ee Xagjiraynta Ardayda

0
413

Nairobi(Xogsoormedia.com):-Dawladda dalka Kenya,ayaa ku dhawaaqday in ay xidhay gabi ahaanba dugsiyada waxbarashada dalkaas ee Dawliga ah iyo kuwa Madaxabannaan.

Tallaabadan ay Dawladda Kenya qaadatay ayaa ka dambaysay ka dib shaqo joojin ay ku dhaqaaqeen guud ahaan Macalimiinta dalkaas ee wax ka dhiga guud ahaan isguuladda dalkaas.taasoo ay kaga cabanayeen mushahar yaraan isla markaana ay Xukuumadda kaga dalbanayeen in mushaharooyinka loo kordhiyo.

Kenya_Iskuullada_oo_la_Xirayo_660

Wasaaradda Waxbarashada Kenya ayaa ku dhawaaqday in aanay sii wadi karayn in ay waxbarashada isguuladu sii socoto mushaharooyinkana u kordhin karayn Macalimiinta sidaa darteedna ay gabi ahaanba xidhay dugsiyada wax barasho ee dalkaas,xilli ay ardayda isguulada waddankaasi isu diyaarinayeen in ay u fadhiistaan imtixnaakii shahaadiga ahaa ee guud.

Dhinaca kale tallaabada ay Xukuumadda Kenya qaaday ayaa la sheegay in ay fursad siinayso kooxda Al-Shabaab oo dalkaas dagaal kula jirta isla markaana ay dhawaan Xukuumadda Kenya Qirtay in ay ku sugan yihiin qaybo ka mid ah waddankooda gaar ahaan dhul kaymo ah oo ay sheegtay dawladda Nairobi in ay ka sifaynayaan dagaalyahanka Al-Shabaab oo halkaa ku dhuumaalaysanaya.

Dalka Kenya ayaa sanad kasta inta badan waxaa caadi noqotay oo ka dhaca muddaharaadada iyo shaqo joojinta ay ku kacaan Macalimiinta dalkaas oo ka cabanaya mushahar yaraan.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here