Irving (Xogsoormedia.com):- Booliiska Magaalada Irving ee Dalka Maraykanka ayaa xidhay Axmed Maxamed oo ah 14-jir ah dhiganayayna iskuul ku yaalla magaaladaas, kaddib markii uu Iskuulka la yimid Saacad uu Gurigiisa kusoo sameeyay.
Maamulka dugsiga sare ee MacArthur ayaa u qaatay saacadda uu keenay Axmed inay tahay bam gacmeed, waxayna si hoose u war galiyeen ciidanka booliiska, taasoo keentay in wiilka yar lagu xidho xabsiga juvenile.oo ku yaala isla magaaladaas.
Wiilkan yar ayaa la sheegay inuu doonayay in saacadda uu sameeyay uu tuso Macallinkiisa, isla markaana uu kadis uga dhigo Ardayda ay isku Fasalka yihiin, Waxaana Aabbaha dhalay Wiilkan oo lagu Magacaabo Maxemd El-Xasan oo Asal ahaan kasoo jeeda Dalka Suudaan uu sheegay in wiilkiisa si xun loola dhaqmay.
Guddiga Muslimiinta Dallas ayaa iyaguna sheegay inay baadhayaan Arrinta dhacday, iyagoo ka digay suuro-galnimada ah in Islaam nacayb loo xidhay wiilkan, waxayna boolisku xuseeen in Axmed la Xukumi karo, Maadaama u sameeyay Saacad Bam loo ekeysiiyay.
Axmed Maxamed oo la hadlay Dallas Morning News ayaa isaguna Sheegay inuu jecelyahay Injineernimada, isla markaana uu doonayay in uu saacadda uu sameeyay uu tuso macalimiintiisa si uu uga helo fikrado dheeraad ah oo ay wax ku soo kordhiyaan .
Waxa uu sheegay in macalinksiisa maadada Injirneerinka uu ka helay hambalyo, kulana taliyay in aanu tusin macalimiinta kale ,isaga oo sheegay in dhawaqa saacadda ay keentay in macalin kale uu ogaado xilli lagu jiray xiisad ka baxsan tan injineerinka.
“Saacaddu Waxay u eg-tahay bam,“ ayuu yidhi Axmed oo sheegay in laga saaray fasalkii uu ku jiray ,isla markaana ay Waraysi ka qaadeen Afar xubnood oo ka socday laamaha booliiska iyo madaxda iskuulka uu dhiganayay.
Afhayeen u hadlay Ciidanka Booliiska Magaaladaas oo lagu magacaabo James McLellan ayaa Sheegay in Axmed uu u Xaqiijiyay in Wuxuu Sameeyay ay tahay Saacad, Mana jiro Wax War ah oo kasoo baxay Iskuulka MacArthur oo aan ka ahayn in ilaaladiisa ay Xaq u leeyihiin soo gudbinta wax kasta oo ay ka shakiyaan.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland