Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Xildhibaan ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland,ayaa si adag u cambaareeyay xadhigga Boqor arargitiisa lagu xidhay oo ay ciidanka boolisku Hargeysa ka qabteen.
Xildhibaan Weli Axmed Xaawa, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xadhigga Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo ay ciidamada Boolisku shalay xabsiga u taxaabeen.
Waxaa kale oo uu xildhibaanku intaa raaciyay in uu ca,baaraynayo xadhigga Boqorka oo uu sheegay in ay tahay tallaabo xn oo ay Xukuumadu qaadday.
Xildhibaan Weli, wuxuu sheegay in boqorka loo xidhay aragtidiisa uu ku diidanyahay in Banka Qoolcaday la xidho, “Boqorka xadhigiisa waan cambaaraynayaa, waxaanan xukuumadda ugu baaqayaa in shuruud la’aan lagu soo daayo, waayo Boqorka wax kale laguma haystee wuxuu ka hadlay in Banka Qoolcaday la xidho. Waxaan leeyahay hawsha banka qoolcaday haamah Berbera way ka darantahay, haddii dadka sidaas loo khasbana waa la arki doonaa dhibaatadeeda. Waxaan leeyahay haddii boqorka aan dambi kale lagu haysan oo lagu haysto maxaad u hadashay, waa in deg deg xorriyadiisa loogu soo celiyaa.” Ayuu yidhi Weli Axmed Xaawa.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland