Suldaan Maxamed Xirsi Qani Oo Madaxweyne Siilaanyo Ka Dalbaday Ka Jawaab Celinta Dhacdadii Golaha Haddii Aanay Ku Lug Lahayn

0
353

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Suldaanka guud ee Beelaha Habaryoonis, Suldaan Maxamed Xirsi Qani, ayaa Madaxweynaha ku adkeeyay in uu ka hadlo dagaalkii ka dhex dhacay fadhigii golaha ee dhex maray Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo Guddoomiye ku-xigeenka koobaad Baashe Maxamed Faarax.

Waxaa kale oo uu Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Yoonis sheegay in haddii uu Madaxweyne Siilaanyo arrintaa ka hadli waayo oo uu caddayn waayo mawqifka uu Madaxweyne ahaan ka taagan yahay in taasi ay u muuqanayso in Xukuumaddu kula socoto Baashe in uu ku qabsado Guddoomiye Cabdiraxmaan kursigiisa.

suldaan m,xirsi qani

 

“24 sannadood ayaynu joognay, wali may dhicin gole la isku qabsado hogaankiisa, mid xukumadeed,mid wakiillo iyo mid guurti toona. Maaha Baashe iyo Cirro feedhka ka dhex dhacay kaligood, baarlamaannadu way is feedhaan laakiin mawqif la isku hayo ayaa la isku feedhaa ee lama iskuma qabsado golaha anigaa hogaaminaya iyo anigaa hogaaminaya,” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Xirsi Qani.

 

Suldaanka oo sii hadlaya ayaa rumaysan inaanu Baashe Maxamed Faarax kali ku ahayn maroorsiga awooda hogaamineed ee wakiillada balse uu xukumadda taageero ka haysto “Baashe wuxuu yidhi anigaa ka guddoomiye ah golaha, waxaanan qabaa inaanu kaligii ku ahayn mawqifkaas. Madaxweyne Axmed Max’med Siilaanyo waxaan leeyahay umaddu waxay u baahan tahay inaad ka jawaabto, haddii aan xukumaddu sidaas kula socon Baashe oo aanay raali kaga ahayn. In Madaxweynuhu degdeg uga jawaabo mawqifkaas ah hogaanka golaha ee la isku qabsaday ayaa loo baahan yahay.

Intaas waxa raaca, waxaa la yidhi meel bugta iyo farta waa la kala dhawraa, Cabdiraxmaan lagu qabsado Makarafoonka iyo anaga waa nala kala ilaaliyaa, wax hore ayaanu hibanaynaa, waxaan leeyahay arrintaas degdeg ha looga jawaabo. Mawqifka aanu ka taagannahay waxa weeye, waxaanu sugaynaa jawaabta madaxweynaha haddaanay wax xukumaddu isku raacsan tahay ahayn, Baashe dambi ma laha ayaan qabaa oo wax lagu soo yidhi ayuun buu fuliyay, golaha hogaankiisa waxaa lagu og yahay Cabdiraxmaan, maalinta uu isagu iskii uga tago ha joogto,” ayuu yidhi Suldaanku.

 

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here