Fursad Dahabi Ah, Toban(10) Cisho Gudahood Xuseen-Mahdi Xasan Xuseen

0
369

Suuradda 89 ee Quraanka Kariimka ah, aayaddeeda koobaad iyo labaad Alle waxa uu ku yidhi, “Waxa aan ku dhaartay Subaxa iyo habeennayaal tobanka ah

Marka qofka la siiyo fursad mar soo marto ah oo nolashisa ku saabsan, waliba goor-tiriso loo qabto, lana yidhaa way kaa dhacaysaa haddii aanad ka faa’idaysan, waxa lagu hor hayaana tahay miridh tiriso, waa hubaal in awooddaada iyo gartidaada iskugu gayn lahayd sidii aad fursaddaa uga faa’idayn lahayd.

soon

Ka sitee bal, haddii fursaddu halka Alle ka timid, mayna ka qiimo badnayn fursad ay bani’aadam kuu yabooho? Haa, way ka qiimo badan tahay. Dulxijiah, waa bisha kow iyo tobnaad ee tirsiga hirjiga, si kale haddaynu u dhigno waa sannadka loo dareerro gudashada waajibaadka Xajka. Bishaa 10 cisho ee ugu horreeya ayey waajibaadku dhacaan, waa 10ka cisho ee ugu dafliga badan ayaamaha

 

 

 

kale ee Alle sameeyey sida ku xusan Quraanka iyo Axaadiista.

Suuradda 89 ee Quraanka Kariimka ah, aayaddeeda koobaad iyo labaad Alle waxa uu ku yidhi, “Waxa aan ku dhaartay Subaxa iyo habeennayaal tobanka ah.” Ibnu Kasiir, marka uu tafsiirayo waxa uu leeyahay “Habeennada 10ka ah waxa looga jeedaa, tobanka u horreeya ee bisha Duxijah sida uu qabao Ibnu Cabbaas iyo asxaab kale ba.”

Xadiis Bukhaari ku sugan oo Ibnu Cabbaas ka soo warrinayo Rasuulkii Alle (CSW), ayaa waxa uu ku sheegay ergaygii Alle “Majiro shaqo cibaado oo la qabto mid ka khayr badan camalka tobankan cisho( tobanka hore ee Dulxijah).” Asxaabtii ayaa Rasuulka wayddiiyey “Jihaadkana may ka khayr badan yihiin?” ergaygii Alle waxa uu ku jawaabay “Haa, Jihaadkana way ka khayr badan yiiin, nin inta uu baxay isaga iyo maalkiisii ayna waxba ka soo noqon mooyee.” Toban cisho oo ka fiican kana khayr badan maynu aragnaa? Waa maya! wax sheegan ergaygii Alle, waxa ay ina tustay fursadda dahabiga ah ee ku jirta tobanka cisho ee ugu horreeyey Dulxijah. Wax ka khayr iyo dheef badan ma jirto tobankan cisho, qof mooyiye inta uu u baxay jihaad isaga iyo xoolihiisiiba, haddana waxba ka soo noqon.

Ibnu Cumar waxa uu ka soo guuriyey ergaygii Alle sida ku sugan Dhigana Dabaraani ee Mujmacul Kabiir “Ma jiro Ayaamo ka weyn Ilaahay xumaan ka nasahnaaye agtiisa, oo looga jacayl badan yahay camal la qabto tobankan cisho, ( tobanka ugu horreeya Dulxijah) badiya tobankan cisho, tasbiixda (SubxaannallaTakbiirta(Allaahu akbar) iyo Taxmiidda(Alxamdulillah).”

Shaqo noocee ah ayaa la qabanayaa ayaamanan?

  1. Salaadda faralka ah oo jamaca ku joogtayso iyo Salaadaha sunnada ah oo badiso.
  2. Soomka: sida sugan Rasuulku waxa uu ahaa mid sooma 9 cisho ee Dulxijah iyo maalinta tobnaad ba, sida ku sugan xadiiska ay soo warrinayaan Axmed, Abuu Daa’uud, Nasaa’I iyo kuwo kale ba. Imaammu Nawawi waxa isagu uu leeyahay “Soomka maalinka tobnaad si aad ah ayaa loo jeclaystay.” Waxa loo jeedaa in maalinkaasi aad u fadli badan yahay, sida maalinka tobnaad ee dadka xajka ku sugan ee carrafa taagani uga qiimo badan tahay ayaamaha kale.
  3. Waxa la badsanayaa ayaamahan, Tasbiixda, Takbiirta iyo Taxmiidda, Sida uu soo warrinayo Imaammu Bukhaari, waxa uu leeyahay “ Ibnu Cumar iyo Abaa Hurayra, waxay ahaayeen, marka ay suuqa u baxaan kuwo takbiirsada oo dadku na ka dabo takbiirsadaan.”

Shaqo cibaado oo habeen la sameeyo waxa ugu qiimo badan tobanka(10) dambe ee Ramadaan, halka camal la qabto maalin ay ugu qiimo badan tahay tobanka hore ee Dulxijah, sidaa awgeed dhammaanteen waxa innala gudboon in aynnu ka wada faa’idaysanno qiimaha ballaadhan ee ku duugan ayaamahan. Waa in guntiga dhiisha isaga dhignaa, waa in aynnu ku baraarujinnaa ehelkeena iyo dadka oo dhan.

Hussein Hassan Hussein <asalraac2008@live.com

 

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here