. “Anigu Midhkaa Kuma Odhan Kulamana Qabo.” Guddoomiyaha Guurtida

0
410

Hargeysa (Xogsoormedia.com) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan,ayaa ka war bixiyay dhex dhexaadin ay ka wadaan isugana keenayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Guddoomiye ku-xigeenkiisa koobaad Baashe Maxamed Faarax oo dagaal gacan ka hadal ahi ku dhex maray gadhigii golaha ee maalintii sabditii ee todobaadkan.

Guddoomiye Saleebaan waxaa kale oo uu intaa ku daray in aanay ahayn wax belaayo laga dhigo oo aad loo buun buuniyo halka uu tilmaamay in ay maalin kasta Baarlamaaannada caalamku is dilaan.

“Baarlamaankeenu maaha kii ugu horeeyay ee xurgufi dhax marto, dunida oo dhanba way ka dhacdaa. Wax aan laga gudbi karinna may dhicin meel fiicanna way noo maraysaa  inshaa’allaa sida khayrka leh ayay u soo dhammaan.  Labadaa masuulna waanu is aragnay.”

 

Gudoomiyuhu isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Hadii alle yidhaa waxaanu illaahay ka rejaynaynaa in ay xurguftaasi sida ugu fiican u soo afjaranto.”

 

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here